Skip to content

Guddoomiyaha Gobolka Baay oo Beeniyay In Khilaaf uu Ka Dhashay Shirkii Maamul Dhisida Koonfur Galbeed

Storyline:Archive, Science & Tech

Guddoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa beeniyey warar beryahan sheegaya oo ku saabsanaa in odayaal iyo siyaasiyiin ka qeybgalayaey shirweynaha maamul sameynta gobollada Koonfur Galbeed ee dalka ay isku khilaafeen dhismaha maamulka.

Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka jira dhismaha naamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay inay socdaan kulamadii wadatashiga ahaa ee ay ku jireen ergooyinka ka qeybgalaya shirkaasi.

“Wax khilaah ah ma jiraan ergada waxay ku jiraan wada tashiyada ay wadeen, xaalkuna meel aad u fiican ayuu marayaa.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Baay.

Guddoomiyaha oo ka hadlay khilaafkan la sheegay ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku sifeeyay in beelaha gobollada Baay iyo Bakool ay saluugeen qeybta kaga soo aaday magacaabista golaha xukuumadda cusub ee dalka, iyadoo odayaasha shirka dhismaha maamulka ee ka socda Baydhabo qaarkood ay dhaleeceen xukuumadda cusub ee uu soo dhisay raysal wasaaraha.

“Nin dawlad cambaareeyay iyo meeluu ku cambaareeyay ma ogin waana been wararka la sheegayo, dadkan waxay ka mid yihiin dawlada Soomaaliya wayna taageersan yihiin.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Baay.

Hadalkan uu bixiyey guddoomiye Hoosow ayaa ku soo beegmaya xilli beryahan ay jireen warar sheegaya in xildhibaanada beelaha ka qeybgalaya shirka Baydhabo ay isku hayaan dhismaha maamulka cusub oo la isku heystay in lox gobol laga dhigo iyo in saddex gobol lagu koobo maamulka cusub ee koonfur galbeed ee dhismihiisa la wado.