Skip to content

Gudoomiye Tarsan ” Ninkii Al-Shabaab katirsan oo la qabto yaan la xirin ee Dhagax halagu dilo ”

Storyline:Archive, Science & Tech

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa amray in Ciidanka Dowlada Soomaaliya aragti ku dilaan ruuxii katirsan Al-Shabaab oo la qabto isaga oo wax dilaya ama bambo tuuraya.

Tarsan ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in la qabto oo hadana la xiro nin la hubo in uu Al-Shabaab katirsan yahay, waxa uuna taa badalkeeda ku baaqay in meesha lagu qabto lagu dilo ruuxii Shabaab katirsan ee la arko.

”Waxaan la yaabanahay sababta Ciidamadu u xiraan shaqsi katirsan Al-Shabaab oo dambi lagu hayo ,Ninkii Al-Shabaab katirsan ee la arko yaan la xirin ee halagu dilo halka lagu arko , Shacabka Muqdisho waxaan iyagana ugu baaqayaa in Dhagax ku dilaan Raga Shabaab katirsan ee Dilalka iyo qaraxyada ka geesanaya Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isweeediiyay Sababaha Magaalada Muqdisho kusoo koobay dagaalada iyo qaraxyada Al-Shabaab , waxa uuna tilmaamay hadii ay Shacabka Muqdisho gacmaha isqabsadaan lana shaqeeyaan Dowlada in laga guuleesan karo Al-Shabaab.

Hadalka Gudoomiye Tarsan ayaa imaanaya Xili Al-Shabaab kordhiyeen qaraxyada iyo weerarada ay ka geestaan Magaalada Muqdisho ,Maalintii shalay ayaana ugu dambeesay oo Muqdisho ka dhaceen qaraxyo kala duwan oo dhaliyay qasaaro soo gaaray dad rayid ah iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.