Skip to content

Halkan Ka Akhri Tafaasiisha 36-Safar Oo Uu Madaxweyne Xasan Sheekh Dibadda Ugu Baxay Oo Ay Ku Baxday Lacag dhan $5,400,00

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka Hoose ee Laga Helayo Aqalka Madaxtooyada Somalia, ayaa Faahfaahin ka Bixiyey Safarro Tiradoodu Gaadhayso ilaa 36 oo muddadii Sanadka iyo Badhka ahayd ee uu Xilka hayey uu Galay.
safrayTafaasiisha iyo Qaababka ay safarradaasi ku dhaceen ayaa warka Madaxtooyada laga Helayaa u dhigayaa sidatan:

1- Bishii Oktobar 8,deedii sanadkii 2012 waxa uu Madaxweynaha u safrey dalka Uganda

2-Bishii November 26,keedii sanadkii 2012 waxa uu u safrey Jabuuti

3- Bishii Disember 5,teedii Sanadkii 2012 waxa uu Madaxweyne Xasan sheikh u safrey Turkiga.

4-Bishii Disember 16,keedii sanadkii 2012 waxa uu u safrey Jabuuti

5-Bishii Disember 31,keedii sanadkii 2012 waxa uu u safrey Kenya

6-Bishii January 1,deedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Suudaan

7-Bishii January 13,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Mareykanka

8-Bishii January 21,keedii sanadkii 2013 waxa uu safrey Sacuudiga

9-Bishii January 26,keedi sanadkii 2013 waxa uu u safrey Ethiopia

10-Bishii January 29,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Belgium

11-Bishii February 1,deedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey UK

12-Bishii February 6,deedii sanadkii 2013 waxa uu safrey Egypt

13-Bishii March 3,deedi sanadkii 2013 waxa uu u safrey Qatar

14-Bishii March 25,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Qatar

15-Bishii March 30,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Imaaraadka Carabta

16-Bishii Abril 12,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Turkiga

17-Bishii Abril 15,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey UK

18-Bishii Abril 20,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Ethiopia

19-Bishii Abril 27,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Kenya

20-Bishii May 3,deedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Ethiopia

21-Bishii May 23,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Ethiopia

22-Bishii May 29,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Jaban

23-Bishii Jun 17,keedii waxa uu u safrey UK-G8

24-Bishii julay 8,deedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey South Sudan

25-Bishii August 3,deedii sanadkii 2013 waxa uu safrey Uganda

26-Bishii 19,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Ethiopia

27-Bishii September 11,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Imaaradka Carabta

28-Bishii September 15,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Ethiopia

29-Bishii September 20,keedii 2013 waxa uu u safrey Italy

30-Bishii September 24,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Mareykanka

31-Bishii Oktobar 1,deedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Turkiga

32-Bishii Oktobar 11,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Ethiopia

33-Bishii Oktobar 28,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Turkiga

34-Bishii Disember 25,keedii sanadkii 2013 waxa uu u safrey Kenya

35-Bishii Janury 28.sanadkan 2014 waxa uu u safrey Ethiopia

36-Bishii February 9,keedii sanadkan 2014 waxa uu u safrey Turkiga.

Guud ahaan waa 36 safar marka leysku daro Safarada uu dibada ugu baxey mudadii uu xilka haayey Madaxweynaha Somalia Xasan sheikh Maxamud waxaana halkii safar lacagta ku baxeysa ay dhan tahay $150,000. Boqol iyo Konton kun oo dolar, waxaana sidoo kale guud ahaan Lacagta safaradaas ku baxey ay dhan tahay $5,400,00 waa shan milyan iyo afar boqol oo kun oo Dolar.