Skip to content

Hay’ada FBI-da Mareykanka oo war kasoo saartay Kooxihii Weeraray Xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall

Hay’ada FBI-da Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay rumeesan yihiin in ay dhinteen Kooxihii weerarka ku qaaday Xarunta Ganacsida Westgate Mall Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa 21 September ee sanadkii tagay waxa ay weerar Dharaar cad ah ku qaadeen Xarunta Ganacsiga Westgate Mall halkaas ay ku dileen in kabadan 67-qof iyagoo sidoo kale xaruntaasi heestay in ka badan Sadax maalin.

Dennis Brady, oo ka tirsan FBI-da Mareykanka ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in ay dhinteen Kooxihii Weerarka ku galay Xarunta Westgate Mall ,waxa uuna intaa raaciyay in ay adag tahay Kooxahaasi in ay halkaasi nolol kala baxsadeen.

Sargaalkan katirsan FBI-da Mareykanka ayaa tilmaamay in ay suurto gal tahay in Maalintii koowaad ee Weerarka bilowday in ay jiri karaan Xubno kamid ahaa Kooxihii hubeesnaa in ay baxsadeen balse afar kamid ah Ragii goobtaasi maalmo heestay la dilay.

Dennis Brady ayaa been abuur ku tilmaamay in ay baxsadeen ragiii Weeraray Xarunta Westgate Mall, waxa uuna xusay in baarayaashu u cadaatay in Ragii afarta ahaa ee xaruntaasi ku jiray aysan baxsan dhamaana halkaasi ku dhinteen.

Wali lama hayo raadad muujinaya in la dilay iyo in ay baxsadeen Ragii Weerarka ku qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate Mall ee Magaalada Naiarobi , Hay’ado badan oo dhinaca Sirdoonka ah oo arintaan baarayay ayaan wali warbixin rasmi ah kasoo saarin Dhacdadii Westgate Mall .