Skip to content

Inta badan Xildhibaanadii kasoo horjeeday Xukuumada Ra’izul Wasaare Cabdi Wali oo lakala furfuray

Storyline:Archive, Science & Tech

Sida aan kuheleyno Warar lagu kalsoonaankaro waxaa inta badan lakala fur furay ku dhawaad Boqol Xildhibaan oo isku baheestay in ay mucaaradaan Xukuumada Cusub uu soo dhisay Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed .

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa si weyn u shaqeenayay Xubno katirsan Xukuumada Soomaaliya oo iyagu katirsan Baarlamaanka kuwaa uu si weyn u kala fur furayay Xildhibaanada Mucaaradasn Xukuumada Cusub ay katirsan yihiin.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Xildhibaanada lakala fur furay loo adeegsaday lacago la siiyay iyo sidoo kale balan qaadyo loo sameeyay waana mida hada keentay in ay aad u yaraadaan Xildhibaanadii Boqolka gaarayay ee kasoo horjeeday Xukuumada Ra’izul Wasaare Cabdi Wali.

Hoteelada ay inta badan isugu tagaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu arkayay Xubno Xukuumada Soomaaliya u saartay in ay kala fur furaan Xildhibaano Mucaaradsan Xukuumada kuna hanjabayay in codka Kalsoonida u diidi doonaan hadii la horkeeno .

Xildhibaanada Wali ku dhagan go’aankooda in ah ay codka Kalsoonida u diidaan Xukuumada Cusub ayaa gaaraya in kabadan 50-Xildhibaan iyadgoona Markii hore Xildhibaanadan gaarayeen ilaa 100-Xildhibaan balse hada lakala fur furay aaduna u yaraadeen.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noo sheegay in Magaalada Muqdisho joogaan Xildhibaano gaaraya ilaa 230-Xildhibaan , waxa uuna intaa ku daray Xildhibaankan in xildhibaano gaaraya ilaa 170-Xidhibaan ay taageersan yihiin Xukuumada uu soo dhisay Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Maalinto berito oo arbaco ah ayaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo Xukuumada Cusub uu dhawaan soo dhisay Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh si loogu qaado Codka Kalsoonida.