Skip to content

Kabixitaanka Ciidamada Kenya ee Magaalada Kismaayo Maxay soo kordhineysaa ??

Storyline:Science & Tech

Ugu Horeyn Waxaan ku bilaabayaa mahadnaqa eebe Subxaana watacaalaa marka Xigtane waxaan umahadcelinayaa Dhamaan umadda Soomaaliyeed ee aadka ula socda Qoraalada aan soo dhigo Mareegaha internetka qaarkood iyo waliba maamulayaasha mareegahaasi kuwaa oo run ahaantii mudan inaan iyagune u mahadceliyo ,

Hadaan Usoo daadago Dulucda maqaalkeygaan Horaantii bishii October ee Sanadkii 2012 kii ayey aheyd markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah hawl-galka Amisom iyo ciidamo soomaaliyeed oo kakala socday Dowladda Federaalka iyo Ururka Raaskaambooni ey gacan kuhaynta magaalada Muhiimka ah ee kismaayo iyo degaano kale oo katirsan Jubbaland kala wareegeen Ururka Al-shabaab oo muddo sanado ah ka ariminayay Degaanadaas ,

Lawaregitaankoodii Kismaayo kadib waxaa bilowday muran siyaasadeed oo ka dhex aloosmay Xukuumadii curdunka aheyd ee bil un kahor yigleelay iyo Maamulayaashii Kismaayo ee xiligaasi, Murankaas oo salka ku hayay maamulidda dakhliga kasoo xarooda Dekadda kismaayo iyo Airportka Magaalada , dhaqaalahaasi oo ey dowlada federaalku u arkeysay mid ey ku takrifalayaan huwanta lawareegtay gacan kuhaynta Magaalada Kismaayo .

Waxaa sidoo kale dowlada fedaraalku ey inbadan saxaafadda ka sheegtay in Dhuxusha laga dhoofiyo Magaalada kismaayo taas oo ey ku sheegeen in la hareer maray Cunaqabateyntii dhoofinta dhuxusha ee ey Qaramada midoobay kusoo rogtay Soomaaliya waxayna dowladu ku adkeysaneysay ineysan marnaba raali kanoqoneyn in Dhuxusha cunaqabaeysan aan la dhoofin Karin balse Maamulayaasha Kismaayo ee xiligaasi ayaan dheg jalaq usiin hadalada kasoo yeerayay madaxda dowladda o uu ugu horeeyay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Sidoo kale Cunaqabateyntii dhanka Dhuxusha ee soomaaliya lasaaray ,

Maamulayaasha Kismaayo ayaa lawareegitaankoodii kismaayo kadib ku dhawaaqay maamul ey ku sheegeen inuu shaqeyn doono labaatan maalmood oo Qudha, balse sii jiray Muddo kabadan todobo bilood arinkaas oo dowladda dhexe markale carqaalad ku noqday in maamul aan iyaga hoos imaan uu halkaasi kasiijiro .

Ciidamada Kenya oo markii horaba in badan oo dadweynaha ah ey aaminsanayeen iney dhinac lasafanyihiin lana saadaalinayaay iney soomaaliya u galeen dano dhaqaale ayaa suuragaliyay in maamul goboleed aan dowladda sinaba talo ugu laheyn laga hirgaliyo Gobolada Sadexda ah ee Jubbaland maamulkaas oo wadiiqada lagu yigleelayay lasheegay iney soo jiitameysay muddo kabadan afar sanadood Urur goboleedka IGAD ne ey hormuud u ahaayeen yigleelitaanka maamulkaas ,

Lawareegitaankii Kismaayo kadib Muddo Todobo bilood ah ayaa waxaa kismaayo lagaga dhawaaqay maamul goboleedka Jubbaland oo ey Hormuud u noqdeen Axmed maxamed islaam (Madoobe ) iyo general Cabdulaahi Sheikh ismaaciil ( Fartaag ) , hogaamiyayaashaas oo lagu sheego iney dabada kariixayeen Dowladaha Dariska la ah soomaaliya ee Kenya iyo Ethiopia Waxaana Gobalku uu galay Qalalaase siyaasadeed Xili lagaaro in Beel walbaa oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn Jubbaland ey Sheegtaan iney Jubbaland madax uyihiin .

Dagaal Kismaayo ku dhexmaray maleyshiyaad Daacad ukala ah Sheikh Axmed Madoobe iyo Col Barre Hiiraale muddo maalmo ahne ey isku hayeen gacan kuhaynta magaalada kismaayo ayaa ciidamada Kenya lagu eedeeyay iney lasafteen Dhinaca Sheikh Axmed Madoobe taas oo markale kalsoonida lagu qabi karay ciidamada Kenya Ceel kusii riday .

Dowladda Soomaaliya ayaa Geed dheer iyo mid Gaabanba u fuushay Sidii Ciidamada Kenya looga wareejin lahaa gacan ku haynta magaalada istaraatiijiga ah ee Kismaayo si Dadka degaanku u wada sinaadaan oo aan cid gooni ah sad bursi u helin , Dacwooyin Muddo dheer socday dowladda soomaaliyane Xafiiskastaa u gudbisay Dacwadaasi ayaa Ururka Midowga afrika waxa uu go’aan ku gaaray in Ciidamada Kenya laga wareejiyo gacan kuhaynta magaalada kismaayo lana geeyo ciidamo isku dhaf ah oo kasocda Dalalka Searalion,Burundi iyo Ciidamo Booliis ah oo kasocda Wadanka Nigeria .

Soo bixitaanka warkaas oo kooxo kala gadisan laabta u qaboojiyay kadib waxaa dibad baxyo la sheegay iney Soo abaabuleen Maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba laguna taageeraayo joogitaanka Ciidamada Kenya ee kismaayo uu ka dhacay degaano katirsan Gobolka Jubada hoose , kuwaas oo looga codsanayay Midowga afrika iney kalaabtaan go’aanka ey qaateen kenyane loo ogolaado iney baaqi kusii ahaato Maamulidda Magaalada kismaayo balse Midowga Afrika ayaan wax dabacsanaan ah arinka soo kordhay kamuujinin wuxuuna ku adkeystay in la hirgalinaayo go’aankooda sida uga dhaqsiyaha badane Ciidamadaasi lo gaarsiin Doono Magaalada kismaayo halka Ciidamada kenyane la sheegay iney uruqaansan doonaan degaaanada katirsan Jubbaland ee ey Xarakada al-shabaab gacanta ku hayso .

Haddaba maxay soo kordhineysaa Bixitaanka ciidamada Kenya ey kabaxayaan magaalada kismaayo ,

Dad badan oo siyaasiyiin iyo shacab isugu jira ayaa qabo hadii ciidamada Kenya lagasaaro Magaalada kismaayo iney imaan doonto in beelaha wada dagan degaanada jubbaland si aan sadbursi kujirin iney u wada noolaadaan kheyraadka degaanadaas alle ku maneystayne si siman dadka loo wada gaarsiin doono , halka dadka qaarne ey qabaan in arinkani uusan waxba soo kordhineyn bacdamaa wali Ciidamada Kenya ey baaqi kusii ahaan doonaan degaanada Jubbaland Sikastaba ha ahaatee la arki doonee labadaan ooraah ee isdiidan shacabkune ey ka dhawaajinayaan midda rumowda

W/D Mohamed Shaafici
[email protected]