Skip to content

Kenya oo cadaysay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya

Warar baryahan soo baxayay oo shegay in ciidamada militariga Kenya ay guud ahaanba ka baxayaan Soomaaliya  ayaa waxaa manta beeniyay afhayeenka milateriga Kenya Col. Willy Wesonga.

Afhayeenka ayaa sheegay in aysan ciiidamadooda ka bixi doonin Soomaliya balse loo wareejin doono degaano kale oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Gedo.

Col. Willy Wensonga ayaa cadeeyay in badanka ciidamadooda ka baxayaan Kismayo lana geyndoono deegaano kale si ay amaanka deeggaanadaas u sugaan.

Ciidanka Kenya ayaa amaanka magaalada Kismayo ku wareejinaya ciidamo ka socda dalalka Sierra Leone, Jabuuti iyo Nigeria.

“Ma dooneyno inaan cayaarno doorka ugu muhiimsan ee AMISOM. Waxaa jira ciidamo kale oo ka socda Itoobiya, Burundi, Jabuuti, Nigeria iyo Sierra Leone oo la geynayo magaalada Kismaayo. Warbaahinta ayaan casuumi doonnaa marka aan soo gabagabeyno qorsheyaasheenna dib u dejinta ciidanka. Dhammaan qorsheyaashan waxaa go’aaminaya AMISOM,” ayuu yiri Wesonga.

Qorshan ayaa waxa uu ka mid yahay qorshayaasha dib loogu habaynayo howlgalada AMISOM ee Soomaaliya .

Kenya ayaa ciidankeeda u dirtay Soomaaliya 2011 si ay ula dagaalamaan Al-Shabab iyadoo ku sababaysay in Al-shabab falal amni daro oo badan ay ka geestaan xuduudaha iyo magaalooyinka Kenya.