Skip to content

Khilaafka Ururka Dam Jadiidka oo banaanka u soo baxay iyo Masuul ka Tirsan Ururkaas oo sheegay in ay Fashilmayn Urur ahaan!!

Agaasimihii guud ee wasaaradda amniga Qaranka Xuseen Cabdi aaden ayaa si caro leh shaqadiisi uga tagey dhawaan isagoo istiqaaaladiisna u gudbiyey Raysal wasaraaha C/wali Sh. Axmed, ka dib markii uu ka biyo diidey sida liidata ee loo maamulayo talada dalka.

Xuseen Cabdi Aaden oo ahaa xubin fir fircoon oo kid mid ahayd dhaq dhaqaaqa Damu jadiid ee iyagu xulufada la noqdey Madaxweynaha xiligan Xasan Sh Maxamuud iyo Faarax Sh. Cabdi qaadir oo ay xiligaas wada dhisteen xisbigii PDP, ayaa waxa uu qof ahan lagu tilmaama shaqsiyaadka ugu muhiimsan kooxdaas dhinaca aqoonta.

Shaqo ka tagidda agaasimaha amniga Qaranka ayaa timid ka dib markii sida la sheegay uu u adkeysan waayey guul darroyinka is daba jooga ah ee xukuumada ay damjadiidku garwadeenka ka yihiin iyo gaar ahaan wasaradiisu la soo gudboonaadey, taasoo ay saaxiibadiisna diideen in ay mas’uuliyadda guul daradaas qirtaan dadkana ka hor wareegaan.

Xuseen Cabdi Aaden ayaa wararku sheegayaan in uu soo jeediyey dhowr talo oo aan dhag jalaq loo siin kuwaas ay ku jirtay in xilalka ay ka tagaan ama laga xajuubiyo mas’uuliyiin uu ugu horeeyo saaxiibkiis Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Taliyayaasha, iyo saraakiisha kale ee ugu sareysa ciidamada Nabad sugidda iyo Booliska.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Mr. Aaaden uusoo jeediyey in wax laga qabto wax is daba marin xagga maaliyadda iyo musuq maasuq balaaran oo hareyey hareeyey hay’adaha dowladda , isagoo ku doodey in lala xisaabtamo dadka musuqu diloodey iyo gafanaayaasha naaxey oo magac dilka ku ah hay’adaha dowladda ee xiligan.

Arintan ayaa imanaysa iyadoo horey mid ka mid ah hogaamiyayaasha muhiimka ah ee dam jadiid oo ah Cumar Idirs safiirka Soomaaliya ee Qadar uu ku baaqay in xilka ay iska casilaan wasiirka Amniga Qaranka iyo taliyaha Nabad sugidu, lana qaato eedda guul darrooyinka amniga ee dalka ka socda.