Skip to content

Koox Burcad ah la baxday Magaca “Somali” oo Dhibaato weyn ku haysa Mid kamid ah Wadamada Qaarada Asia

Storyline:Archive, Science & Tech

Koox Burcad ah oo la baxday Magaca “Ayeyarwady Somali” ayaa dhibaato xoogan waxa ay ku hayaan Doomaha mara wabiga weyn Ayeyarwady oo kuyaala Dalka Burma ama Myanmar.

Kooxdan Burcada ah oo u howlgaha qaabka Burcad badeeda Soomaalida ayaa la baxay Magaca ah “Ayeyarwady Somali” waxa ayna sanadkan caqabad aad u xoogan ku noqdeen Doonyaha ganacsi iyo kuwa kale ee mara Wabiga weyn ee Ayeyarwady.

Wabiga Ayeyarwady ayaa ah wabiga ugu weyn ee Dalka Myanmar , kooxdan Buracada ayaana xiliyada Habeenkii Wabiga ka qafaasha Doonyaha ganacsiiyo kuwa kale ee mara waxa ayna ka qaataan waxii muhiim ah ay ka helaan doomahaasi.

Booliiska Dalka Myanmar ayaa howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen Magaalada Shangalay Kyun oo a sheegay in kooxdaan xubno badan oo kamid ah Ku Dhuumaaleesanayay, waxa ayna Ciidamada Booliiska gacanta ku dhigeen 19-kamid ah Kooxahaasi Burcada ah.

Kooxadan Burcada ee ka jira Wadanka Myanmar ayaa noqoneysa Kooxdii ugu horeesay oo Burcad ah oo qaadata Magaca Soomaali, kooxdaan ayaana u howlgaleysa qaab u muuqaal eg qaabka ay ku hool galaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.