Skip to content

Kooxo Heesta Diinta Krishtaan ah oo Dad Muslimiin ah dilay kadibna gubay meydadkooda

Storyline:Archive, Science & Tech

Rabshadaha iyo Colaadaha ka aloosan Dalka Afrika Dhaxe ayaa meel xun gaaray iyadoona ay hada sii kordhayaan Dagaalada u dhaxeeyay Dadka Muslimiinta ah iyo kuwa Krishtaanka ee Dalkaasi kunool.

Dad careesan oo heesta Diinta Krishtaanka ayaa Magaalada Bangui ee Caasimada Dalka Afrikada Dhaxe waxa ay ku dileen labo qof oo Muslimiin ah iyagoona markii ay dileen kadib hadana ku gubay goob fagaaro ah.

Dagaalka Cadaawada ku saleesan ee u dhaxeeya Muslimiinta iyo Kirishtaanka kunool Afrika dhaxe ayaa gaaraya meel aad u xun iyadoona hada xaalka marayo in la cuno Hilbaha Dadka sidoo kale la gubo dadka la dilo.

Dhawaan ayey aheed markii Warbaahinta Caalamka soo bandhigeen nin la magac baxay Mad Dog (Eygii Waalnaa) uu cunay Hilbaha qof Muslim ah ay dileen Kooxo Krishtaan ah waxa uuna sheegay ninkan in heerkaasi ay gaarsiisay cadaawada uu u qabo dadka Muslimiinta ah.

Isbuuc kahor waxaa iska casilay Xilka Madaxweynanimo ee Dalkaasi Madaxweynihii ugu horeeyay oo Muslim ah , Waxaana Maanta oo Isniin ah la filayaa in Baarlamaanka Dalkaasi ay doortaan Madaxweyne Cusub oo KMG ah.