Skip to content

Laba gabdhood oo Soomaali ah oo loogu Codeeyay in inay xijaabkooda ku dhigan karaan iskoolka!!(Warbixin)

Storyline:Archive, Science & Tech

Dhacdo yaab iyo amakaag leh ayaa waxaa la sheegay inay ku qabsatey laba gabdhood oo Soomaali ah oo walaalo ah oo ku nooDalka Swesarland ka dib markii dadka magaalada loo weydiiyey inay u codeeyaan in labadaas gabdhood loo ogolaado inay xijaabkooda ay ku dhigan karaan iskoolka iyo in kale iyadoona ay dadka magaalada ay cod buuxa ay ku diideen in gabdhahaas loo ogolaado inay xijaabkooda la soo xaadiraan oo ay la yimaadaan iskoolka arintaas oo niyad jab weyn ku riday labadaas gabdhood ee Soomaalida ah. 

Labadaan gabdhood ee Soomaalida ah ee walaalaha ah oo lagu kala magacaabo Naciimo iyo Nafiso faarax oo 11 iyo 12 sano jir ah islamarkaana wax ka baranaayey dugsiga hoose ee lagu magacaabo Au-Heerbrugg ee ku yaala tuulada Heerbrugg ee dalkaas Switzerland ayaa bartamihii sanadkii hore waxaa iskoolka looga ceyriyey ka dib markii ay diideen inay soo dhigaan xijaabka, Laakin dood iyo wada hadal ka dib ayaa gabdhahaas waxaa loo ogolaaday inay iskoolkooda ay ku soo noqdaan oo ay soo xaadiri karaan ayagoo ku labisan xijaabkooda arintaas oo farxad galisay gabdhahaas iyo waalidiintoodaba..

Laakiin waxaa mar kale arintaas ka horyimid xisbiga cunsuriga SVP (Schweizerische Volkspartei) ama xisbiga shacabka Swiserland (Swiss People’s Party) ee dalkaas ku leh awooda baaxada weyn iyadoona xisbigaas oo ka faa’iideysanaayo codeyntii dhawaantaan loo qaadaayey sharciga guud ee lagu adkeynaayey dadka soo galeetiga ah ee dalkaas ku soo qulqulaayo gaar ahaan kuwa kaga imaanaaya wadamada reer Yurub ayaa dadka ku nool magaalada ay deganaayeen qoyska gabdhahaas Soomaalida waxay kale oo ay u codeeyeen in labadaas gabdhood ee Soomaalida ah loo ogolaado inay xijaabka ay ku dhigtaan iskoolka iyo in laga hor istaago iyadoona natiijadii ka soo baxday codeyntaas ay noqotey mid ay si buuxda ay u diideen dadkii codeeyey in gabdhahaas Soomaalida ah loo ogolaado inay xijaabka ay la imaadaan iskoolka arintaas oo niyad jab weyn ku noqtey labadaas gabdhood ee Soomaalid ah iyo waalidkoodba

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay tahay wax laga xumaado in magaalada aad ku nooshahay dadka ku nool laguu weydiiyo waxa laga yeelaayo xaaladaada ayaan waxaan la ogeyn waxa ay ka yeeli doonaan qoyskaas Soomaaliyeed arintaan cusub ee loogu diiday gabdhahooda inay la yimaadaan iskoolka xijaabka ay diinta muslimka fareyso. dhanka kale ayaa waxaa jira warar sheegaaya inaanu iskoolku xaq u la hayn in gabdhahaas loogu diido xijaabkooda iskoolkaas maadaama uusan ka jirn dalkaas sharci si cad u qeexaaya arintaas, Dalka Switzerland oo ka mid ah wadamada ugu sharciyada adag dalalka Yurub marka loo eego xaga qaxootiga ayaa sidoo kale waxaa codeyntii loo qaaday dadka soo galootiga ee reer Yurub ay dadkaas ku ogalaadeen inuu dhaqan galo sharcigaas cusub ee lagu xadidaayo dadka ka imaanaaya wadamada midowga reer Yurub arintaas oo ay aad iyo aad uga caroodeen madaxda iyo wadamada midowga reer Yurub oo ku hanjabay haddii uu hirgalo sharcigaas muwaadiniinta dalalka midowga reer Yurub looga hor istaagaayo inay ku noolaadaan ama ay ka shaqeystaan dalkaas Switzerland inay arintaas sidoo kale wax u dhimi doonto heshiisyo badan oo u dhexeeyey wadamada midowga reer Yurub iyo dalka Switzerland, Dalka Switzerland ayaan ka mid ahayn midowga reer Yurub laakiinse uu kala dhexeeyaa xiriir wanaagsan.