Skip to content

Madaxweynaha Dalka Burudi oo goordhaw kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay wafdi balaaran uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Burundi Mr. Pierre NKurunziza .

Garoonka Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay Wafdiga Burundi kasocda Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi.

Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu hada kusugan yahay Madaxweynaha Dalka Burundi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasana Sheekh Maxamuud ayaala filayaa in kulamo gaar ah la yeesho Madaxweynaha Dalka Burundi iyo xubnaha safarkiisa ku wehliya, lamana oga inta uu qaadan doono safarka uu maanta Muqdisho ku yimid Madaxweyne Mr. Pierre NKurunziza.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah