Skip to content

Madaxweyne Xasan Dam jadiid walaa Dam-qadiim midna kama mid noqon

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in aan waligiis koox gaar ah oo islaamiyiin ah ka mid noqon, isagoo meesha ka saaray wararka la isla dhex maro ee ah inuu ka mid yahay Urur diimeedka Dam Jadiid oo lagu xanto in siyaasada dowladiisa ay ku xoogan yihiin.

Wareysi dhinacyo badan taabanayay oo uu Madaxweynuhu siiyay Idaacada VOA ayaa waxaa uu sheegay in intii uu u soo joogay waayihiisa aanu ka mid noqon urur diimeedyada dalka ka jira.
“Dhowr mar oo hore ayaa sheegay inta aan soo joogay, aniga nin oday ahay, mara koox gaar ah oo Islaamist kama mid noqon, Dam Jadiid walaa Dam qadiim waligey kama mid noqon, waxayna waxaan noqdeen hal heys ama magac u yaal dowladihii jirtay lagu dhajiyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweye Xasan Sheekh ayaa sheegay in sababaha magac u yaalka loo sameynayo ay tahay in dadka Soomaaliya ee daacada ah loo sameeyo, isla markaana ujeedooyinka laga leeyahay ay tahay in dowladnimada aanay horay u socon.
“Dowladihii hore u jiray ayay magac u yaal ama hal heyskan uu jiray sida dowladdii Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa la dhihi jiray Aala Sheekh iyo dowladihii kaleba Waa halheys ah in dowladnimada in aysna horay u socon oo waa dhaqan loo sameeyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Mar la weydiiyay ka mid noqoshada Ciidamada Itoobiya howl galka AMISOM ayuu sheegay inay xoojineyso howl galka, isagoo meesha ka saaray in taas ay abuureyso in Al-Shabaab ay ku xoogeystaan.
“Qawaaniin horay u jirtaa jiray heshiis la gaaray, mar waxaa jirtay in dowladaha safka hore aan ciidamada AMISOM ka mid noqon karin, waana joogeen hada ayagoo AMISOM aheyn ayay dalka joogeen, hadii AMISOM noqdaan xaalad ka wanaagsan xaaladii hore ayay abuureysaa, hadii la yiri Al-Shabaab ayaa ku xoogaabayo, kuma xoogoobeyso, dadka nolosha ay ku nool yihiin meesha uu Shabaab gaarsiiyay waa la og yahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Cadaw Shabaab ka weyn oo umada qabto ma jirto, cid Shabaab ka xun ka mid, cid soo dhoweyeyso ma jirto, in laga fogaado mooyee, dadka garaadkooda intaa waa ka duwan yahay”ayuu yiri Madaxweynaha.
Mar la weydiiyay cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya ilaa iyo hada inuu hub soo gaaray iyo in kale ayuu sheegay in taas ay u faa’ideysay in dowladda ay soo iibsato hub ay ku qalabeyso ciidamada dowladda.
“Cunaqabateyntii hubka ee nagala qaaday waxay noo fududeysay in wixii dhaqaale ah aan heysano inaan ku soo iibsano qalab, waxaa jirtay waxooga canshuura oo dowladda heshay oo ay hub ku soo iibsatay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inuu jiro qaban qaabo iyo diyaar garow ku aadan howl galo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo uu carabka ku dhiftay in dhowaan uu dhici doono guluf xoog leh oo dhameystir ah, isla markaana la dareemo doono dhaq dhaqaaqyo xoogan.