Skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Masuuluyiinta Dowlada iyo Odayaasha Qabaa’ilka ku amray in aysan damiinan ..

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amray Masuuliyiinta Dowlada katirsan iyo odayaasha Qabaa’ilka Soomaaliyeed in aysan damiinan dadka la qabto ee katirsan Al-Shabaab ama kuwa la tuhmayo.

Madaxweynaha ayaa xusay in laga maarmaan tahay in Wasiirada , Xildhibaanada , Saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ka waantoobaan in ay daba ordaan ruux Shabaab ah ama lagu tuhmayo mar ay ciidamada amaanka xiraan .
” Waxaan Farayaa Wasiirada , Xildhibaanada , Saraakiisha Dowlada iyo Odayaasha Qabaa’ilka in aysan damiinan dadka katirsan Al-Shabaab ee la qabto ama kuwa la tuhmayo , loona daayo ciidaada amaanka howlhooda baarista ah” ayuu yiri Madaxweynaha

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay hadii dadka la qabto aysan dambi laheyn in durba Xabsiga laga sii deyn doono gurigiisana uu ku laaban doono isagaa oo bilaa dambi ah , kuwa dambiga lagu helana iyaga maxkamad loo gudbin doono.

”Nimankan Shabaab la yiraahdo ehel iyo axsaan malahan , hadii Ciidamada qabtaan faraha halooga qaado ilaa baaritaano laga marsiiyo , qofka hadii uusan dambi laheyn xabsiga wuu kasoo baxayaa deg deg hadii dambi lagu helana Maxkamad ayaa la saarayaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili Saraakiisha Dambi baarista ay ka cawdeen Masuuliyiin iyo odayaal dhaqmeed daba ordaya dad loo heesto in ay AL-Shabaab yihiin, kuwaa oo durba damiinanaya xabsigana ka saaraya iyagoona la marsiin wax baaris ah.