Skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goordhaw ka hadlay Qarax lagu Dilay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladda, asxaabta, baarlamaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo maanta Qarax lala beegsaday isaga iyo gaarigiisa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Baarlamaanka, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ahaa mudane baarlamaan oo u adeegayey shacabka iyo dalkiisa. Samir iyo Iimaan
EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN.”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu EEBBE uga baryayaa Xildhibaan Maxamud Cali Dhuux oo isagana qaraxaas dhaawac ka soo gaaray inuu EEBBE u fududeeyo dhaawaciisa oo uu bogsado.

Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka. Nabaad diidku waxey ku soo koobmeen inay argagax dadka geliyaan oo ay si arxan la’aan ah u laayaan shacabka iyo masuuliyiinta. Soomaaliya Soomaali baa leh, waana ka gun gaareynaa kooxahan diidan nabadda iyo Soomaalinimada.