Skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kasoo tagay Baydhabo Goordhawna soo gaaray Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno lasocday ayaa goordhaw kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib safar uu labadii maalin ee lasoo dhaafay ku joogay Baydhbo.

Madaxweynaha iyo Xubnaha lasocday ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde , waxaana durba loo galbiyay Xarunta Madxatooyada Soomaaliya, uu hada kusugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labadii Maalin ee lasoo dhaafay Madaxweynaha waxa uu kusugnaa Magaalada Bayadhabo, halkaas uu u gaaray dajinta xiisada siyaasadeed ee ka taagan Magaaladaasi ay isku heestaan labo maamul Goboleed oo siyaabo kale duwan loogu dhisay.

Madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan waxa uu ula kulmay intii uu Baydhabo joogay Waxgaradka soo dhisay Labada Maamul ee Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxa kale uu la kulmay Madaxweynaha Labada Maamul ee ka kooban Sadaxda Gobol iyo Lixda gobol.

Madaxweynaha wali saxaafada ugama warbixin natiijooyinka kulamdii uu Baydhabo kula soo qaatay Dhinacyada iska soo horjeeda , mana jiro ilaa wali war Saxaafadeed kusaabsanaa Safarka Madaxweynaha oo xafiiskiis laga soo saaray.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha kulamdii uu Baydhabo kula soo qaatay Dhinacyada iska soohorjeeda aysan kazoo bixin wax jatiijo ah, Madaxweynaha Maamulka lixda Gobol ka kooban ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wax garadkii soo dhisay Maamulkaasi ayaa ka biyo diiday in ay ka tanaasulaan Maamulka Lixda Gobol.