Skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeesay ka hadlay Mashruucii aada Dugsiyada ee fashilku ku yimid

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeesay waxa uu ka hadlay Mashruucii aada Dugsiyada ee Dowlada Soomaaliya dhawaan hir galisay balse socon waayay kadib markii Macalimiintii loogu tala galay Fulinta Mashruucaasi ay joojiyeen shaqadii Macalinimo iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan iyo daryeel xumo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya cabashadaasi ogtahay ayna sameyn doonto wax weliba oo lagu xalinayo Cabashada Macalimiinta ku dhaqaaqay shaqo joojinta .

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Macalimiinta Aada Dugsiyada ay heli doonaan Mashaaradkooda ka maqan dowladana ay qorsheyneyso qaadashada Macalimiin Cusub si mashruucaasi uu u noqdo mid najaxa.

Hadalka kasoo baxay Madxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xili dhawaan ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen Macalimiinta Iskuulada Dowlada ee ku shaqeenayay Mashruuca Aada Dugsiyada , lamana oga sida ay ugu qanci karaan Macalimiinta Hadalka Madaxweynaha uu ka dhawaajiyay.