Skip to content

Madaxweyne Xassan: Al Shabaab wali guul lagama gaarin

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa markii ugu horreeysay qiray inan wali kooxda la dagaallanta ee Al Shabaab  guul laga gaarin.

“Al Shabaab,wali dalka waa ay ku suganyihiin mana jirto wax guul ah oo an ka gaarnay 18-kii bilood ee la soo dhaafay oo ay socdeen hawlgalka lagula dagaalamayo,”ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayey The Financial Times.

Madaxweyne Xassan,waxaa uu hadalkiisa ku soo qaaday in mar walba dowladdisu ka go’antahay sidii looga guulesan laha kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab oo xilligaan ka arrimisa deegaanno ka mid ah bartamaha iyo koonfurta foog ee dalka.

Arrinta kale ee uu madaxweynu qiray waxaa ay tahay inay jirto cabsida ka imaanaysa Al Shabaab waa sida uu hadalka u yiri,maadaama ay socdaan weerarradi ay geesan jireen.

Waxaa uu madaxweynuhu uu soo hadal qaaday inay rajo ka qabaan in Al Shabaab isaga baxaan deegaannada ay ku suganyihiin inta aysan  u ruqaansan ciidamada la dagaallaka Al Shabaab dalka u jooga ee AMISOM.

Ugu danbeyntii waxaa tilmaamay  madaxweynuhu in haddii meesha laga saaro hoggaamiyaha sare ee Al Shabaab isbadal uu imaan lahaa,waxaana uu dhiiri galiyey bartilmaamedka hoggaamiyaasha sar sare ee Al Shabaab.