Skip to content

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay arrimaha xilligaan ka taagan dalka Su’aalana laga weydiiyey

Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay su’aallo ay weydiiyen qar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya,kaddib markii uu xalay si toos ah u soo farriistey Telefishanka ku baxa afka-Soomaaliga ee Universal.

Madaxweynaha xalay waxaa lugu casumay baanaamijka arrimaha Soomaaliya ka taagaan looga hadli jiray ee Dood-wadaag,inkasto barnaamijkuu uu ahaa mid toddobadle ah kaaso bixijiray habeenka Arbacada ah,balse xalay waa la soo hormariyey,Telefishankuna ma uusan sheegin sababta loo soo hormariyey barnaamijka.

Qar ka mid ah shacabka iyagu ku dhaqan Muqdisho ayaa barnaamijka fursad loo siiyey inay madaxweynaha weydiiyan,waxa madaxooda ka gooxaya.

Barnaamijka waxaa uu soconayey xilli kabadan labo sacaadoodod,waxaana ugu muhiimsana su’aallihi uu ka jawaabay:
Qorshaha dowladda ee wada-hadallada Soomaaliland:

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka jawaabayey ujeedka dowladda ay ka leedahay wada-hadallada ay la qaadanayan Soomaaliland, ayaa Sheegay in wada-hadallku uu si wanaagsan u socdo ayna rajaynayaan in marka xigta ay ka dhacaan Magaallooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in hadaflka wada-hadalladaasi uu yahay in Soomaaliya oo Midoowdo,waxuuna caddeyey in xukuumaddii ka horaysay ayaa bilowdey, guusha la gaareyna ay leedahay,muhiimadana ay tahay in la arko Soomaali oo mid ah,hal dowlad leh iyo hal calan.

Dowladda ma aqoonsanaysa Khaatumo:

Madaxweynaha oo ka qeyb galay barnaamijka Dood-wadaag
Madaxweynaha oo ka qeyb galay barnaamijka Dood-wadaag
Waxaa la weydiiyey madaxweyne Xassan in dowladda Soomaali ay u aqoonsanayso Khaatumo maamul buuxa,balse waxaa uu arrinta ka yiri”Marnaba dowladda kama so horjeysanayso go’aan ay gaareen shacab Soomaaliyed,oo intay isku yimaaden aayahooda isla gartay,kuwaaso geed hoostiis fariistey oo wax ku heshiiye,ma diidi doonno waxa ay ku heshiiyan,balse waa muhiim in dowladda ay u gudubto nidaamka faderaalisimka,dowladda xageeda haddii reer Khaatumo wax ku heshiiyeen waxaas ayaan ixtirameynaa kuna tagereyna”ayuu yiri madaxweynaha oo hadalkiisa raaciyey in xilligaan dalka uusan u gudbin nidaamka federaalka.

Muqdisho waxay ku jirta Xabsi:

Madaxweyne Xassan Sheekh,waxaa la weydiiyey in xilliga magaalada Muqdisho laga soo galo garoonka diyaaraddaha la arkayo goobo badan oo xiran,taasina ay ka dhigayso qofkii magaalada ku cusub inuu safirrto in Muqdisho ay xabsi ku jirto,waxaana uu uga jawaabay”Way jirta meelaha qar inay xiran yihiin,waxaana la xaqiijinaya amniga,balse inta kale ee furan ayaa badan”ayuu yiri madaxweynuhu.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xilka qaadistiisa:

Xassan Sheekh,waxaa laweydiiyey ,arrimaha maalmahan tagnaa ee ku aadan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahan duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,kaaso dhawaan sheegay in xukuumaddi uu soo dhisay raysal wasaare C/wali looga magacaabay wasiir ku-xigeen balse uu sheegay inusan aqbaleen maadaama an lagala tashan.

Madaxweynaha ayaa yiri”Tarsan xilka uu hayo mid ka weyn ayaan la jeclaaney oo ah wasiir ku-xigeenka ciyaaraha waana uu qaadacay , marka waa ognahay in uu soo shaqeeyey hadde welina xilkii lagama qaadin oo isaga ayaa shaqeeya”ayuu yiri madaxweyanaha.

Xukuumadda cusub haddey shaqeyn weydo ma is-casileysaa,maadaama tii hore kalsoonidii lagala laabtey:

Su’aasha ayaa ahaayd mid xasaasi ah,waxaana la waydiiyey madaxweynaaha,tallaabada uu qaadi doonno,haddii xukuumadda cusud ee uu soo dhisay raysal wasaaraha muddada bisha dhan uu soo magacaabay ee C/wali,ay fashilanto,maadaama xukuumaddi ka horaysay kalsoonidi baarlamaanka ay kala laabten,waxaana la yiri ma qaadan doonta inad is casisho?

Arrintaan,waxaa uu uga jawaab celiyey madaxweynuhu”haddii xukuumaddan cusubna shaqeyn weydo in aan is casilo iyo in kale waxay ku xiran tahay cidda uu qaladka ka yimaado, haddii aan anigu lee yahay diyaar ayaan u ahay in aan is-casilo, sharci i qabanaaya ayaa jira, haddii cid kale leedahayna iyada ayaa leh waxii dhaca ee sharcigu qabo.

Su’aallo weydinta iyo ka qeyb-galka barnaamijkaan ee madaxweyne Xassan Sheekh,waxaa uu imaanaya xilli dowladda uu hoggaamiyey ay jahwareer ka haysato dhanka raysal wasaaraha yimaada iyo xukuumadda uu soo dhiso,maadama raysal wasaarihii horey uu usoo magacay ay rideen baarlamaanka xilligaan ay dhaliil sanyihiin xukuumadda cusub ee uu soo dhisay raysal wasaare C/wali baarlamaanku.
_________