Skip to content

Maraykanka oo digniin ku socota Soomaaliya soo saaray

Muwaadiniinta u dhashay Maraykanka ayaa looga digay inay Soomaaliya uu safraan,haddii ay joogaana ka dhowrsanaadan goobaha dadka ay isagu yimaadan iyo xarumaha loo dukaamaysi tago,sida waxaa lugu sheegay digniin cusub oo ka soo baxday dowladda Marekanka.

Digniintaan waxaa ay ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka,waxaana lugu sheegay xaaladda amniga ee gudaha Soomaaliya inay tahay mid aan degganayn oo halis ah,taani ay keeni karto weeraro markasta ka dhaca.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka,waxaa lugu sheegay in kooxaha lagu tilmaamay argagxisada inay muujiyeen sida ay uga go’antahay inay weeraraan dawladda Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo goobaha kale ee aan milatariga ahayn intaba.

Sidoo kale waxaa lugu sheegay qoraalka in ay socdaan qorshayaal ay wadaan kooxaha nabadda Soomaaliya ka soo horjeeda ee doonaya inay geestan falal amniga wax u dhimi kara,halka sidoo kale ay jiraan  halis si khaas ah ugu socota dadka ajaanibta ah gaar ahaan meelaha ay la iskugu yimaado ee ay joogaan dadka reer galabeedka, sida garoomada, dhismayaasha dawladda iyo goobaha laga dukaamaysto.

Digniintaan waxaa kalo lugu sheegay in muwaadiniinta Maraykanka ka fogaadaan inay maraakiib ama doonyo ku maraan meelaha u dhow xeebaha Soomaaliya,haddii ay marayaana  usocdaan si xeyn xeyn ah.

Qoraalkaan digniinta ah waxaa uu ku soo aadaya xilli Marekanku uu sheegay inuu si ballaaran u kordhin doonno  howlgallada milateri ee Geeska Afrika, si ay uga hor tagto dhibaatooyinka kooxaha xagjirka ah.

Ugu danbeyn:warbixinta ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda,waxaa lugu sheegay inay tahay mid badalaysa digniin horey Marekanku uu usoo saaray.