Skip to content

Mas’uul ka tirsana wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliiya oo xaaskiisa Muqdisho ku dishay

Storyline:Archive, Science & Tech

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacday,dhacdo xanuun badan kaddib markii haweenay ay dishey seygeeda oo ka mid ah saraakisha wasaarada arrimaha gudaha dowladda faderaalka Soomaaliya,inkasto an la sheegin sababta ka danbeysay dilkaan.

Dilkaan waxaa uu ka dhacay xaafadda Xoosh ee magaalada Muqdisho,waxaana lugu magacaabi jiray marxuunka la dilay Maxamuud Maxamed Sadiiq (Jarati).

Sargaalkan ka tirsana wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya,waxaa dilkiisa fulisay xaaskiisa kaddib markii bistoolad barkinta uu ku jiifay ay kala soo baxday isagoo jiifana rasaas ay ku furtay sidaana uu ku dhintay.

“Marxuuma waxaa toogatay mid ka mid ah xaasaskiisa, waxayna ku dishay bastoolad ku jirtay halka uu ku jiifay,sidaas ayuuna ku dhintay”ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafadda daggana.

Ma jirto faah-faahin intaas ka badan oo laga hayo dilkan iyo inuu jiray khilaaf u dhexeeyay ninka iyo xaaskiisa, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo haweeney ay disho saygeeda.

Sababta dilkaan ka danbeysay waxaa looga shaki qaba inay la xiriirto (Maseyr),maadaama la sheegay mas’uulka la dilay inuu qabay dhowr xaas.

Dilalka sidan oo kale u dhaca ayaa ah kuwa naxdin galiya inta badan dadka maqla,balse waxaa xusid mudan in sannadkii hore ayay ahayd markii haweeney ay sidan oo kale u dishay saygeeda oo ka mid ahaa saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka, xilli ay ku dishay qori uu isagu lahaa.

_______