Skip to content

Masuul katirsan Dowlada Somalia oo la sheegay in uu u xiran yahay Ciidamada la Dagaalanka Argagaxisada Dalka Kenya

Storyline:Archive, Science & Tech

Sida ay baahisay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho waxaa maalintii afaraad Xabsi ay leeyihiin Ciidamada la Dagaalanka Argagaxisada Dalka Kenya ku xiran Masuul katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Masuulkan katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa Magaciisa lagu sheegay Ilyaas Yuusuf Warsame Waxa uuna Safaarada u Qaabilsanaa Dhanka Baratakoolka , Dacwadaha uu u xiran yahay Sargaalkan ayaa lagu sheegay in uu la xariiro fal Argagaxiso.

Ciidanka La dagaalanka Argagixisada Dalka Kenya ayaa ku eedeeyay Sargaalkan katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya in uu ku lug lahaa Qarax dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi .

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Safaarada Soomaaliya ee ku leedahay Dalka Kenya oo ku aadan xariga la sheegay in loo geestay Sargaal katirsan Safaarada Soomaaliya ee kutaal Magaalada Nairobi.

Xariga loo geestay Masuulkan katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa u muuqda mid wax u dhimaya Sharafta diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee kusugan Dalka Kenya maadama Xabsiga la dhigay Diblamaasigan Soomaaliga ah iyadoon lagu sameyn wax dabagal iyo baaritaano ah.