Skip to content

Maxaa kasoo baxay Kulan ay maanta yeesheen R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Sheikh Mansour bin Zayed ?

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka carabta, ahna wasiirka arimaha madaxtooyada Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulankooda uga hadlay arimo muhiim ah oo ka qayb qaadanaya xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana kamid ah dib-u-dhiska hay’adaha dawladda iyo gacan siinta adeegyada bulshada. Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa ah arimaha amniga,dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ma ahan mid bilow ah, waa mid soo jiray qarniyaal. Waxaa labada dal ka dhexeeya walaaltinimo, dalkani waxaa uu isgarab taagay Soomaaliya xiligan iyo muddadii ay dhibaatooyinka xoogani ka jireen dalka Soomaaliya. Waxaana ay naga taageetri doonaan xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Mudane Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin taageerada Soomaaliya oo xiligan kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

“Waxaan diyaar u nahay isgarab taaga Soomaaliya, waan sii xoojin doonnaa taageerada kala duwan ee aan ugu tala galnay dalka Soomaaliya. Waxaa muuqata in Soomaaliya ay xilligan cagta saartay wadadii dib-u-dhiska.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka isutaga imaaraadka carabta Mudane Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al Nahyan.