Skip to content

Maxkamadeyta guddoomiyaha degmada Xarfo oo Garoowe ka furmaysa maanta

Storyline:Archive, Science & Tech

Ciidamada ammaanka dowladda Puntland ayaa maalmo ka hor xiray guddoomiye Xarfo ee gobolka Mudug, Cabdullaahi Faarax Beyle(Tikrooni),waxaana la sheegay in loo heysto dacwo ku saabsan musuqmaasuq.

Xariga guddoomiyaha degmada Xarfo,waxaa uu yimid kaddib markii dhawaan ay soo baxday warar sheegaya in uu lunsaday raashin loogu deeqay dadka danyarta ah ee ku nool Xarfo.

Raashinta oo ay Puntland soo garsiisay dowladda Turkiga ayaa la sheegay in inteeda badan uu guddoomiyaha u beec geeyey suqyada,taaso markii laga war helay ay ciidamada ammaanka xabsiga dhigeen,waxaana la sheegay in maanta maxkaad la soo hortaagi doonno.

Hadal uu bixinayey ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamada Puntland, Maxamed Xareed ayuu ku xaqiijiyey in maanta ay furmayso maxkamadeynta guddoomiyaha degmada Xarfo,kaaso la soo hortaajin doonno maxkamada Puntland ee Garoowe ku taalla.

Xeer-ilaaliyuhu waxaa uu sheegay in guddoomiyaha lugu qaadi doonno dacwad la xiriirta inuu ku lugleeyahay lunsasho raashin dowladda Turkigu ay horraantii sanadkan ugu deeqday danyarta Xarfo.

Sidoo kale xeer-ilaaliye ku-xigeenku waxaa uu sheegay in haddii guddoomiyaha lagu helo dambiga lagu eedaynayo uu mutaysan doono xabsi adag iyo ganaax, sida ay dhigayaan qodobbada 241 iyo 250 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Maxkamadeynta guddoomiyaha degmada Xarfo ee loo heysto eedeynta la xiriirta musuqmaasuqa,waxaa ay ku soo aadaysa xilli madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali uu horay u ballan-qaaday inuu la-dagaallami doono musuqmaasuqa.