Skip to content

Meydadka Ciidamo Jabuutiyaan ah oo la sheegay in Diyaarad looga qaaday Degmada Buulo Burde:

Storyline:Archive, Science & Tech

Xarakada Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal ay ku qaaday Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo maalintii Khamiistii si buuxda ula wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Dhinaca Dagaalada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Csaiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaal Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Buulo Burde guulo waa weyn ka gaareen ayna dileen Ciidamo badan oo katirsan Dowlada Jabuutiiyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Abuu Muscab ayaa tilmaamay in Dagaalka ay ku qaadeen Buulo Burde in ay ku dileen 19-kamid ah Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo tiro kale oo katirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa tilmaamay in Diyaarado kasoo dagay Degmada Buulo Burde lagu daad gureeyay sida uu sheegay Meydadka 19-Askari oo katirsan Ciidamada Jabuuti iyo tiro kale oo dhaawacyo ah.

Taliska Ciidamada AMISOMee Gobolka Hiiraan ayaan wali ka hadlin Sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan in ay dileen tiro badan oo kamid ah Ciidamada loogu Magac Daray Hiil Walaal ee kasocda Dowlada Jabuuti.