Skip to content

Meydadka dad rayid ah oo Maalmo kahor la kaxeestay oo maanta Meydadkooda lagu arkay Duleedka Degmada Afgooye

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in duleedka Degmadaasi maanta lagu arkay labo qof oo rayid ah ,kuwaa oo maalinimadii Jimcaha laga kaxeestay gudaha Degmada Afgooye.

Labada Qof ee meydkooda la arkay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Darawal iyo Kirishbooy kuwaa oo laga kaxeestay Maalintii Jimcaha boosteejo kutaala Degmada Afgooye sida ay ku warameen dad kusugan Degmada Afgooye.

Meydadka maanta lagu arkay Degmada Afgooye ayaa korkooda waxaa ka muuqday rasaas badan oo lagu dilay labada ruux ee Shacabka ah , lamana oga ilaa hada cida ka dambeysa dilka ragan iyo sababta loo dilay.

Degmada Afgooye waxaa gacanta ku haya Ciidanka Dowlada Soomaaliya , waxaana ka jira Maamul Dowlada Federaalka u magacawday , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidanka ee ku aadan labadan qof ee Afgooye laga kaxeestay kadibna la toogtay.