Skip to content

Meydadka Sadax qof oo qaarkood la gowracay oo saakay lagu arkay Magaalada Baydhabo

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka aan saakay ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in saakay xaafado kamid ah Magaaladaasi lagu arkay Meydadka ilaa sadax qof oo la sheegay in ay ahaayeen askar katirsan Ciidanka Dowlada.

Ciidankan meydadkooda saakay lagu arkay Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in guryhaooda lagala baxay kadibna qaarkood la gowracay , waxaana wali la ogeyn cida ka dambeysa falalkan naxtinta ku beeray shacabka reer Baydhabo.

Wararka aan saakay ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay ka wadaan howlgalo xaafadihii ay dilalka ka dhaceen , mana jiro wax faah faahin ay ay dilalkaasi ka bixeen Maamulka Gobilka Baay.

Magaalada Baydhabo waxaa kusugan Ciidamo badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxa ayna shacabka ku dhaqan Baydhabo saakay isweediinayaan waxa fududeeyay in askar guryahooda lagala soo baxo kadibna Baydhabo lagu Gowraco.