Skip to content

Mid kamid ah Wariyaashii ugu Caansanaa Magaalada Muqdisho oo lagu riday Xukun Xabsi dheer ah:

Storyline:Archive, Science & Tech

Maxkamad ku taala magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa weriye Soomaali ah oo ka howlgeli jiray magaalada Muqdisho ku xukuntay xabsi gaaraya 27 sano oo xarig ah.

Weriyhan oo kamid ahaa Wariyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aweys Muudey (boqorka Bartamaha) ayaa ka mid ahaa Soomaali badan oo ciidamada amaanka Itoobiya u xirxireen qarax sanadkii hore ka dhacay guri lagu diyaarinayey oo ku yaala Addis ababa.

Ururka Isu-tagga Caalamiga ah ee Wariyeyaasha (IFJ) ayaa walaac ka muujiyay dambi u yeelidda iyo xarigga lagu xakumay Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo ah wariye rug-caddaa ah oo Soomaali ah.

Wariyaha oo dhawaan ay xukuntay maxkamad ku taalla itoobiya ayaa xariggiisa loo cuskaday, sharciga la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ee Ethiopia waxayna dowladda itoobiya ku eedeysnaa inuu wax ka ogaa howlgallo ay al-Shabaab ka fulin lahayd gudaha Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa falal argagixiso sida ay ku dooday.
Hase ahaatee qoyska weriyaha ayaa arintaas beeniyey iyagoo sheegay in weriye boqorka bartamaha uu ka cararay dagaaladii sanado ka hor ka socday Muqdisho, uuna Addis ababa u raadsaday nolol.

IFJ oo war ka soo saartay xarigga wariyaha ayaa dowladda Ethiopia ka codsatay inay ka noqoto go’aanka xukunkiisa, sida ugu dhaqsiyaha badanna loo siiyo xorriyaddiisa. waxayna IFJ ay intaasi ku dartay in Wariye Maxamed Aweys Muudeey loo diiday qareen u dooda iyo in qof qoyskiisa ah uu xaadiro halkii ay dacwaddiisu ka socotay, sidoo kale IFJ waxay sheegtay in weriyaha si xun loo jirdilay uuna gaaray heer xitaa uusan socodka awoodin.

Dowlada Somalia ayaan ka hadlin xariga dowlada Itoobiya kula kacday weriye Maxamed Aweys Muudey oo ka ssoo shaqeeyey Idaacado badan oo ku yaala magaalada Muqdisho tebin jiray badanaa barnaamijyada maaweelada ah.