Skip to content

Nabad Sugida Sooaaliya oo caqabado badan kala kulmaysa Masuuliyiinta sar sare ee katirsan Dowlada Soomaaliya

Storyline:Archive, Science & Tech

Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa qeylo dhaan ka keentay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya, kuwaa oo marka lasoo xiro dadka tuhmayo ama kuwa dambiyo lagu helo durba kasoo daba carara.

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac , oo ka hadlay Shirka Arimaha amaanka looga hadlayo ee Muqdisho kasocda ayaa sheegay in caqabada ugu daran ay kala kulmaan masuuliyiin iyo dad maamuus ku dhax leh Dowlada oo soo daba orda dadka dambiyada lagu hayo iyo kuwa la tuhmayo.

‘’ Waxaa Dhib badan kala kulmaynaa Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo dad Maamuus leh , kuwaa oo soo daba carara dadka lagu qabto iyaga oo fal dambiyeed gacanta kula jira ama kuwa la tuhmayo ,waxa ay kuu sheegayaan in qofkaasi uu yahay miskiinaan dambi galin, marka hore Masuuliyiintaasi gacan kama geestaan soo qabashada dambiilayaasha hasa ahataee dambiilihii la qabta ayey daba ordayaan oo doonayaan in la sii daayo’’ ayuu yiri Bashiir Goobe.

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida ayaa sheegay in ay xitaa ku adkaatay in baaritaano lagu sameeyo dadka la tuhmayo ee soo qabtaan ciidanka , waxa uuna tilmaamay in ay durba daba socdaan oo ku qasabayaan in lasoo daayo Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo ehelada dadka lasoo xiray.

Jen.Bashiir Goobe ayaa ka codsaday Madaxda Dowlada in laga qabto dadka Masuuliyiinta ah ee daba orda dambiilayasaha falalka amaan daro ee ka dhaca Magalaada Muqdisho iyo gobolada Dalka daba socda oo ciidanka ka hortaagan gudasaha waajibaadkooda.

Hadalka kasoo yeeray Taliska Nabad Sugida Soomaaliya ayaa imaanaya xili la sheegay in lasoo daayo inta badan dadka la tuhmayo in ay katirsan yihiin AL-Shabaab ama falal amana daro kawada Magalaada Muqdisho ee lagu xiro xabsiyada Dowlada.