Skip to content

Tirinta Codadka Doorashada Madaxweynaha oo Dhammaatay Iyo Saddex Musharax oo soo baxay

Xarunta Baarlamaanka ee magaaladda Garoowe,waxaa si toos ah uga bilaabatay tirinta Codadka ay dhiibteen Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Puntland oo gaaraya 66 Mudane.
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa gacanta ku haya tirinta Codadka Musharaxiinta,waxaana iyaguna dhinacooda ka tirsanaya Codadka wakiilo ay soo dirsadeen Musharaxiintu.
Musharaxiinta ilaa hadda buuxiyey shuruuda isla markaana sheegay iney ballanqaadayaan iney la shaqeyn doonaan Cida soo baxda ayaa,waxaa kamid ah:
Cali Xaaji Warsame 12 Cod
Cabdiweli maxamed Cali Gaas 13 Cod
Cali Cabdulqaadir Yusuf 0
Cabdiweli Maxamuud Gurey 0
Shire Xaaji Faarax 4 Cod
Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke 0
Cabdullaahi Siciid Samanter 1 Cod
Maxamed Cabdinuur Xirsi 6 Cod
Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey 0
Cali Cabdi Awaare 3 Cod
Cadbiraxmaan Maxamed Faroole 27 Cod
Musharaxiinta Saddex gaareysa ayaa usoo baxay Wareega labaad ee Doorashada Puntland kuwaas oo kala ah :
1. Cabdirixmaan Faroole
2. Cabdiweli Gaas.
3. Cali Xaaji Warsame
la soco wixii Faahifaahin ah