Skip to content

Dowladda faderaalka Soomaaliya oo soo dhaweysey codeynta ka socota xarunta baarlmaanka Puntland

Dowladda faderaalka Soomaaliya oo soo dhaweysey codeynta ka socota xarunta baarlmaanka Puntland
Waxaa mar labaad soo dhaweeyey doorashada ka socota magaalada Garoowe ee xilligaan guda gashey wareegedi ugu danbeeyey,dowladda faderaalka Soomaaliya.
Ku-simaha wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in doorashadaasi ay tahay mid ka turjumaysa horumarka ay Soomaaliya ku talaabsanayso marba marka ka damebysa, waxaana ugu baaqayaa in murashaxitiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ay ku kalsoonaadaan natiijada ka soo baxda doorashada.
“Dowladdu aad bay u soo dhaweyneysaa doorashadaasi sida dimoqraadiyadda leh uga socota magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaasi oo ay xildhibaannadu ay ku dooranayaan Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa.
Codeynta ayaa xilligaan gashey wareegedi ugu danbeeyey waxaana isku soo haray madaxweynihi talada hayey ee Dr C/rixmaan Faroole iyo C/wali Cali Gaas,waxaana labada masharrixn mid kood uu noqon doonna goor dhow madaxweynaha Puntland ee mudda 5-sanno ee soo socata.