Skip to content

Codeynta doorashada madaxweynaha oo hoolka baarlmaanka ka billaabatay

Waxaa goor dhowed ka bilaabatay hoolka baarlmaanka Puntland cod u qaadista ruuxa noqonaya madaxweynaha Puntland hoggaaminaya shanta sanno ee soo socota.
Ilaa saddex xildhibaan oo ah kuwii ugu horreyey ayaa xilligaan codkoodi ku riday sanduuqa ay ku ridayaan codkooda,waxaana loo yaareya tiro kale oo xildhibaan ah kuwaaso iyaguna codkooda dhiibaya.
Xarunta baarlmaanka,waxaa ku dhan 66-xildhibaan ee baarlmaanka Puntland,sidoo kale waxaa iyaguna doorashadaan goob-jog ka ah wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, xubno kale oo beesha caalamka ka socda, murrashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.
l
Ilaa 11-musharrax ayaa iyagu u tartamaya xilka madaxweynaha,waxaana ay kala yihiin:
1: Cali Xaaji Warsame
2: Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
3: Cali Cabdiqaadir Yuusuf
4: Cabdiwali Maxamuud Guray
5 Shire Xaaji Faarax
6: Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
7: Gen.Cabdilaahi Siciid Samater
8: Maxamed Cabdinuur Xirsi
9: Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey.
10: Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole
11: Cali Cabdi Awaare
Sidoo kale 10-musharrax ayaa iyaguna codka loogu qaadi doonna madaxweyne ku-xigeenka,marka ay soo dhamaato codeynta madaxweynaha Puntland.
Munaasabada waxaa ay ku furantay jawi deggan,ayadoona musharrixinta ay ka hor jeediyeen baarlmaanka inuu musharrax kasta ku qanci doonno natiijadda doorashada ka soo baxda,waxaana ay saxiixin warqad ay ku muujinayan inay ku qanci doonan doorashada cidii ku soo baxda.
Dahfurkii munaasabada xildhibaanada codka ay ugu qaadayan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa hadal jeediyey guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Saadiq Abshir ayaa sheegay,waxaana uu sheegay in doorashadu ay u dhacayso cod qarsoodi ah oo uu xildhibaan kasta loo dhiibayo warqad uu ku soo qoraya murrashaxa uu doonayo in xilka Madaxweynenimo ee shanta sanno soo socota qabta, iyadoo goobta codeyntana ay taallo sanduuq dhallo cad ku jira.
Guddoomiyaha sidoo kale waxaa u sheegay in haddii wareegga koowaad uu murrashax ka mid ah 11-ka musharraxiinta ah uu helay codad gaaraya saddex meelood labo meel oo ah 44 cod uu si rasmi ah u noqonaya madaxweynaha rasmiga ah ee jagada ku guulesytay, balse waxaa uu soo hadal qaaday haddii aysan sida dhinac in doorashadu ay gali doonto wareegyo kale.
Waxaa sidoo kale uu Saadiq Abshir ku wargaliyey inaysan baarlmaanku sameyn karin dhaq dhaqaaq an laga warheyn.
Ammaanka oo la xoojiyey:
Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo maanta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Soomaaliyed ee Puntland.
Waxaa la arkaey ciidamo cadadkoodu uu badanyahay kuwaaso gaaf wareegayey waddooyinka Garoowe,guddaha xarunta iyo hareeraheeda waxaa sidoo kale la soo dhoobay ciidamo aad u farabadan kuwaaso si weyn u xaqiijinaya amniga.
Sawirro iyo muqaalo ayaan goor dow idin soo gudbin doonna,waxaana akhristayaashena ugu bishaarenayna inay qeybta kore ay ka daawan doonan habka ay doorashada ku socoto si toos ah ayeena Raxanreeb Online idin kugu soo gudbinaysa dooorashada.