Skip to content

Qaramada Midoobay oo baaraysa duqeymaha ay Soomaaliya ka geystan diyaaraddaha an cidi wadin

Storyline:Archive, Science & Tech

Sida lugu sheegay war ka soo baxay Qaramada Midoobay,waxaa baaritaan madax-bannaan lagu sameeyn doonna weeraradda ay diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ka geystaan dalka Soomaaliya.

Warkan waxaa uu ka soo baxay golaha Qaramada Midoobay ugu xilsaaran xuquuqda aadanaha (The UN Human Rights Council (UNHRC) ,waxaana ay sheegen inay si dhow u wax uga ogaan doonan ujeeddoyinka ka danbeysa duqeymaha diyaaradaha an cidi wadin oo la sheego dad shacab ah inay wax ka soo gaaran,waxaana la sheegay in la baari doonno si madax banaan weerarrada ay diyaaraddaha ka geystan dalalka Soomaaliya, Yemen, Afganistan, Pakistan iyo dalalka kale.

Tallaabadan waxaa lugu dalbaday kaddib warbixin dhawaan soo baxday oo ka koobned 21-bog,waxaana warbixinta lugu codsadey in baaritaano madax-banaan lugu sameeyey howlgallada ay fuliyaan diyaaradaha an la wadin.

Warbixinta oo uu isku soo duway madaxa guddiga Qaramada Midoobay u xilsaaran baaritaanka khasaaraha ay diyaaradaha drones-ka u geystaan dadka rayidka, Ben Emmerson,ayaa sheegay in diyaaradahan ay duqeymo ka qeysten sannadkii hore dalalka Soomaaliya, Yeman iyo Afganistan,waxaana uu inta raaciyey in duqeymaha khasaaraha ay dhaliyen in waqtigan ay sii korartay.

Qoraalka guddiga ay soo saaren sidoo kale waxaa lugu soo qaaday in la hubiyo khasaaraha ay diyaaradaha Droneska ka geystaan dalalkaasi, iyadoona warbixintu ku tilmaamtay duqeymahaasi kuwo sharci-darro ah oo ka hor imaanaya qawaaniinta Caalamka.

Sidoo kale warbixinta guddiga Qaramada Midoobay ka soo baxday,waxaana lugu sheegay inay Maraykanka, Britain iyo Israel yihiin kuwa ugu badan ee diyaaraha droneska u adeegsada duqeymaha ka kala dhaca dalalka Soomaaliya, Yeman, Afganistan, Pakistan iyo Falastiin.

Warbixintan waxaa ay imaanaysa xilli duqeymo kala gadisan diyaaradaha an la wadin ay ka geystan koonfurta Soomaaliya,waxaana dowladda Marekanka oo duqeymaha diyaaradaha ka hadasha ay sheegta in bartilmaamedku yahay saraakisha ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-shabaab.