Skip to content

Qarax khasaare xooggan geestay oo Gaalkacyo ka dhacay

Storyline:Archive, Science & Tech

Inta la xaqiijiyey saddex ruux ayaa dhimatay toddobo ruux oo kalana waa ay dhaawacmen kaddib markii goor dhawed labo qorax oo is xiga ay ka dhaceen Inta u dhexaysa Suuqqa Barwaaqo iyo Isbitaalka Dhagacadde ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Gob-jooga ka agdhawa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa Raxanreeb Online,u sheegay in qaraxyada dhacay ay ahaayeen labo qarax o nooca dhulka lugu aaso ah.

Qaraxyadu waxaa ay ka dhaceen jidka laamiga,wali lama caddeyen cida lala doonayey,balse waxaa jirta markii u qaraxa koobad dhacay in dadkii ka agdhawaa ay aaden halka uu qaraxa ka dhacay kaddib daqiiqadana uu ku dhacay midkii labad kaaso khasaaraha dhaliyey.

Sidoo kale saraakisha caafimaadka Gaalkacyo,oo Raxanreeb Online la hadlay waxaa ay sheegen in la soo garsiiyey dhimashada saddex ruux oo shacab ah iyo dhaawaca toddobo ruux oo kale oo iyaguna shacab ah.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashey ujeedka qaraxyadaan laga laha,iyo ciida xilligaa maraysay waddad laamiga ah ee magaalada dhex qaada oo ah halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Dhinaca kale ma jirto wali cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyada,maamulka gobolka,kan degmada iyo saraakisha amniga ayaa xilligaan shir jaraa’id ku qabanaya isbitaalka guud ee Gaalkacyo.