Skip to content

Ra’iisul wasaaraha somaaliya oo hortagaya baarlamaanka

Waxaa maanta golaha baarlamaanka hor tagay r/wasaare C/weli Sheekh Axmed, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad ku aadan khorshihiisa.

Xildhibaano kor u dhaafaya 245 ayaa kulankii maanta soo xaadiray, waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Guddoonku ayaa u yeeray r/wasaaraha, waxaana markii uu soo gaaray r/wasaaraha uu mudanayaasha ka hor akhriyay qorshe howleedka ay xukuumaddiisa ku shaqeyn doonto sanadka cusub, iyadoona uu r/wasaaruhu tilmaamay in soo dhisadda golaha wasiirada cusub ay ku timid wadatashi dheer.

Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa baarlamaanka u sharxay marxaladda uu dalku marayo iyo sida ay lagama maar maan u tahay in dalku uu yeesho Xukuumadda wax ka qabata arrimaha amniga, siyaasadda iyo horumarinta adeegyada guud ee bulshada.

R/wasaaraha ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay in haddii ay mudanayaashu ansixiyaan Xukuumadda cusub uu xoogga saari doono arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta iyo sii waddida xiriirka dowladda ay la leedahay maamul goboleedyada dalka iyo tan caalamka intaba, waxaana uu ugu dambeyntii ka codsaday mudanayaasha baarlamaanka inay meel mariyaan barnaamijka Xukuumadda cusub iyo golaha wasiirada ee uu dhawaan soo dhisay.

Sidoo kale kulanka waxa ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana uu sheegay in doodda barnaamijka xukuumadda ay hadda socoto, ayna jiraan xildhibaanno fikirkooda dhiibanaya, isagoo intaa ku daray in isla maanta ay mudanayaasha codka u qaadi doonaan barnaamijka Xukuumadda.