Skip to content

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya oo Shaaciyay Magacyada Degmooyinka ee doonayaan in ay kasaaraan Al-Shabaab

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheeh Axmed ayaa shaaca ka qaaday Magacyada Dhoor Degmo oo kuyaala Gobolada Dalka ay doonayaan in Dhawaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ka saaraan Dagaalyahanada AL-Shabaab . Ra’izul Wasaaraha oo xalay Khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan Shacabka Soomaaliyeed dabaal degyo ku dhigan doonaan Degooyin dhoor ah oo hada gacanta ugu jira Al-Shabaab . ” Waxaan rajeenayaa Waqtiyada soo aadan in aad dabaal dagyada iyo xafladaha aad ku dhigan doontaan deeganada hada gacanta ugu jira Cadawga Soomaaliyeed , waxaana rajeeneynaa in Cadawga Umada dhawaan laga xureeyo inta yar ee gacantooda ku hartay ” ayuu yiri Ra’izul Wasaare Cabdi Wali. Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in Shacabka ku dhaqan Deegaanada ay kataliyaan ay kahor istaagsanyihiin nolosha iyo hurmarka , waxa uuna ku hanjabay in sida ugu dhaqsaha badan in Al-Shabaab looga saari doono Degmooyinka Ceelbuur, Bu’aale, Buulo Burde, iyo jalalaqsi kuwaa oo wali si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab. Hadalka Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya xili qaar kamid ah Gobolada Dalka Gaar ahaan Gobolada Bakool iyo Gedo ay ka bilowdeen Dagaalo Al-Shabaab looga qabsaday Degmooyin iyo Deegaano ay horey gacanta ugu hayeen.