Skip to content

Saraakiil iyo Ciidamo gaaraya 700-oo katirsan Ciidanka Milatariga oo la ruqseeyay iyo Taliska Milatariga oo kahadlay

Storyline:Archive, Science & Tech

Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo shaqadii laga eryay kuwaa oo dhawaan qaarkood dibad baxyo cabasho ah ka dhigeen Magaalada Muqdisho.

Jen. Dahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho) Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada laga eryay Saraakiil iyo Ciidamo tiro badan oo katirsan Milatariga kadib markii ay gudan waayeen waajibaadkii saarnaa.

Taliyaha ayaa xusay in dadka shaqada laga ruqseeyay ay gaarayaan ilaa 700- oo isugu jira Saraakiil Ciidan , Saraakiil xigeeno iyo Dablayaal , waxa uuna tilmaamay in dhamaan dadkaasi la ruqseeyay ay gudan waayeen waajibaadkii ciidanimo ee saarnaa.

Jen.Indho Qarsho ayaa sheegay in dadkan la ruqseeyay mudo ku siman todobo bil ay ugu yeerayeen in ay soo xaadiraan ayna gutaan waajibkooda shaqo, waxa uuna xusay in ay yihiin Xubnaha shaqada laga eryay dad Magaalada ka shaqeesta ay ku jiraan kuwa Jaad iibiya iyo kuwa Waardiyo ka ah Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Hadalka Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa imaanaya xili dhawaan Magaalada Muqdisho ay dibad baxyo ka dhigeen Haween katirsanaa Ciidanka Milatariga ee shaqada laga eryay kuwaa oo sheegay in la kala diray iyagoon xitaa digniin loo jeedin.