Skip to content

Shirar looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo kasocda Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Maalmahan Magaalada Muqdisho kasocda Shirar isdaba joog ah ay yeelanayeen qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed, Shirarkaa oo looga soo horjeedo hogaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Beesha Murusade ayaa kamid ah beelaha Shirarka ku leh Magaalada Muqdisho, waxaana Shirarkaasi ay yihiin kuwa looga soo horjeedo siyaasada uu ku shaqeeyo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheeh Maxamuud.

Maalmo kahor ayey aheed markii Beesha Murusade oo kamid ah Beelaha daga Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka ayaa shaacisay in Kalsoonidii kala noqdeen Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Tan iyo waxii kadambeeyay markii Beesha Murusade kalsoonida kala noqotay Dowlada Soomaaliya, waxaa Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Wadamada Dunida kasocday Shirar ay beesha Murusade laheed oo lagu adkeenayo go’aankii ay beesha ka gaartay Dowlada.

Warar Hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Xubno Siyaasiyiin iyo Waxgaradka Beesha ay dacwad ka gudbiyeen Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha ay ku eedeeyeen inuu ku xad gudbay nidaamkii wax qeybsiga iyo hogaamintii lagu aaminay.

Dacwada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladiisa laga gudbiyay ayaa loo gudbiyay sida aan Wararka ku helnay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Wakiilada Midowga Afrika iyo qaar kamid ah Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Lama oga sida ay Dowlada u saameeneyso Go’aanka ay beesha Murusade kalsoonida kala noqotay , mana jiro wax war ah oo Dowlada kasoo saartay cabashada Beesha Murusade ee keentay in dowlada kala laabtaan taageeradii iyo Kalsoonidii ay u hayeen.