Skip to content

“Silica iyo Dhibaatada Heesata Soomaali badan oo ku xir xiran Garoon kuyaala Nairobi

Garoonka Kubada Cagta Kasaraani ee Magaalada Nairobi waxaa wali ku xiran dad ka badan kun qof oo Soomaali ah kuwaa oo lagu soo qab qabtay howlgaladii Ciidamada Booliiska Kenya kasameeyeen Xaafada Islii iyo Xaafado kale oo Nairobi katirsan.

Dadka ku xiran Garoonka Kubada Cagta lagu ciyaaro ayaa isugu jira Haween , Caruur ,Dhalinyaro iyo dad da’ah, kuwaa oo ay heesato dhibaatooyin xanuun badan oo isugu jira cunto xumo , hoy la,aan iyo qabowga daran ee kajira Nairobi oo aysan heesan meel ay kaga gabaad galaan.

Dadka xiran waxaa ku jira Hooyooyin Soomaaliyeed oo lasoo xiray iyaga oon wadan caruurtooda , waxaana qaar badan oo kamid ah loo diiday in ay soo nuujistaan caruurtooda ka maqan ama lee keeno , Hooyooyinkan waxa kale ay sheegeen in aysan war u heyn caruurtooda qaarkood oo markii lasoo xiray iskuulo ku maqnaa.

Waxaa la arkayay Hooyoon badan oo Soomaaliyeed oo iskaga dhax ooynaya gudaha Garoonka ay ku xiran yihiin ,kuwaa ooka murugeesan xaalka ay kusugan yihiin caruurtooda ka maqan oo lasoo xiray iyaga oon la joogin.

Xubno kasocda Waaxda Diiwaangalinta Qaxootiga ee Dalka Kenya ayaa Cumputero waxa ay soo dhigteen qeybo kamid ah Graoonka Kasaraani ,iyaga oo baaraya dadka heesta warqadaha aqoonsiga qaxootinimo iyo sidoo kale sharciga Dalka Kenya.

Qaar kamid ah Soomaalida ku xiran Garoonka Kasaraani ee Magaalada Nairobi ayaa wata Warqadaha Qaxootiga ay bixiso Hay’ada UNHCR , Waxaana wali aan fursan loo siin dadkaasi qaxooti ahaanta ku jooga Kenya in la siidaayo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameriko ayaa booqday indhihiisana kusoo arkay silica iyo dhibaatada dalkaasi ku heesata Soomaali badan oo ku xir xiran , waxa uuna Dowlada Kenya ugu baaqay in la siidaayo dadka sharciyada qaxootiga heesto ee xiran.

Qaar kamid ah Ehelada dadka ku xiran Garoonka Kubada Cagta ee Kasraani ayaa sidoo kale loo diiday in ay dadkaasi u geeyaan Raashin iyo dhar ay kaga gabaad galaan qabowga daran ee ka jira Magaalada Nairobi.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali qaadan tilaabo geesnimo leh ay ugu gurmaneyso Soomaalida ku dhibaateesan Xabsiyada Dalka Kenya, waxaana hada laga hayaa kaliya in ay baaq u dirtay Dowlada Kenya balse aysan sameyn ficil muuqda Dowlada Soomaaliya.