Skip to content

Siyaasi Cumar Sowjar oo soo dhaweeyay magacaabista wasiirrada cusub ee xukuumadda raysal wasaare C/wali

Siyaasi Cumar Sowjar,ayaa soo dhoweeyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee dhawaan uu ku dhowaaqay raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Cumar Sowjar oo ah siyaasi si weyn looga dhexgaranayo guud ahanba Soomaaliya iyo caalamkaba,waxaa uu sheegay in xubnaha wasiirrada cusub ay ka dhexmuuqdaan siyaasiyiin rug-caddaa ah iyo xubno aqoon-yahanno ah, wuxuuna muujiyay inuu ku farasan yahay tirada golaha.

Siyaasiga Soomaaliyed Cumar Sowjar, oo lugu xasuusto dadaalladi u ugu jiray hormarinta ummada iyo dalka Soomaaliyed,waxaa uu ku cel celiyey in waqtigaan la joogi xilligii Soomaaliya ay ka bixi lahayd dhibaatada ay ku jirtay mudda gaaraysa 23-sanno,waxaana uu inta raaciyey in golaha cusub ee wasiirradu ay u muuqdo kuwo fulin kara waajibaadka horyalla ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed, tayo ahaanna wanaagsan.

Siyaasi Cumar Sowjar,oo qeyb ka ahaa siyaasiyintii ka qeyb-galay doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha Soomaaliya ee xilligaan talada haya Xassan Sheekh Maxamuud,waxaa uu ka digay in laga dhowrsanaado khilaafka,oo uu ku sheegay inuu dibu dhac ku ridayo qorshaha dowladda xilligaan ay ku raadinayso in isbadal dalka looga dhaliyo.

Cumar Sowjar ayaa ugu baaqay wasiirrada cusub inay ka shaqeeyaan rabitaanka shacabka, iyagoo u maraya hab waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla, isla markaana ku saleysan ballan-qaadyadii madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Ugu danbeyna siyaasiga Cumar Sowjar wuxuu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub ee raysal wasaare C/wali Sheekh Maxamed.