Skip to content

Taliska Ciidanka AMISOM Oo Ka Hadlay Ka Bixitaanka Ciidamada Kenya ee Magaaladda Kismaayo!

 Taliska sare ee Ciidanka AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya in Ciidamada Kenya ee qeybta ka Taliskooda ay faarujin doonaan Magaaladda Kismaayo .

Afhayeenka Ciidanka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamuud oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM aysan dhammaantood kawada bixi doono Kismaayo.

Wuxuu sheegay Col. Cali Aadan Xaamuud in Taliska guud ee Kismaayo lagu wareejin doono Ciidamo ka socda wadanka Sierra Leone balse sidoo kale ay la shaqeyn doonaan Ciidamada Sierra Leone iyo Burundi oo la geyn doono magaaladda.

” Ciidamada Kenya kama baxayaan AMISOM dib u habeyn xaga ciidanka qorshihiisa ayaa socda, Kismaayo ayaa laga saari doonaa kaliya, waxaa lagu wareejinayaa Ciidamada Sierra Leone iyo ciidamada Brundi….”’ayuu yiri.

Col. Cali Aadan Xaamuud ayaa tibaaxay in Ciidanka Kenya laga badelay oo kaliya Hoggaanka afaraad isla markaana laba loo qeybiyey qeybta Kismaayo oo kala ah Sierra Leone iyo ciidamada Brundi.

Sidoo kale, Col. Cali Aadan Xaamuud ayaa sheegay ineysan isbadelin hawshii socotay balse mas’uuliyadaha la qeybsaday,hawshuna ay bilaaban doonto.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM ayaa xusay in Ciidanka loogu talagalay iney ka hawlgalaan magaaladda Kismaayo sida Ciidamada Sierra Leone iyo ciidamada Brundi ay qeybqeyb u tegi doonaan magaalada.

Go’aanka lagu badelayo Ciidanka Kenya ayaa qeyb ka ah sida la sheegayo warqad qoraal ah oo sanadkii hore Dowladda Federaalka u gudbisay Midowga Afrika oo ay ku sheegeysay ineysan Ciidamada Kenya dhexdhexaad ka ahayn arrinta Kismaayo lana safatay Koox gaar ah.