Skip to content

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Dalbaday in lasoo qabto Maxkamadna lasoo taago Cismaan Xaadoole

Storyline:Archive, Science & Tech

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, in ay baaritaano ku sameeyo iska hor imaadyo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada oo dhawaan ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Qaasim Axmad Rooble, ayaa ka dalbaday Maxkamada Ciidanka Qalabka sida in ay dacwad kusoo oogto baaritaana ku sameeso Gudoomiyhihii Degmada Balcad Cismaan Xaadoole, oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar lagu qaaday Ciidamo Booliis ah oo kusii jeeday Magaalada Jowhar xili ay marayeen Balcad.

Afhayeenka ayaana sheegay in Ciidamada Booliiska ay ku raad joogaan Cismaan Xaadoole uu sheegay in uu hada dhuumasho ku jiro , waxa uuna ka codsaday Maxkamada Ciidanka Qalabka sida hadii ninkaasi lasoo qabto in ay ku rido xukun u dhigma dambiga uu galay.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayuu sheegay Afhayeenka in Maxmkada Ciidanka Qalabka sida gacan ka siin doonto soo qabashada Cismaan Xaadoole iyo waxii warbixino ah oo ku saabsan dambiga loo heesto.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa Degmada Balcad iyo deegaano kale waxa ay ka baadi goobayaan Cismaan Xadaoole Gudoomiyhihii Degmada Balcad kaasoo loo heesto dagaalo qasarao geestay oo maalmo kahor ka dhacay Degmada Balcad in uu ka dambeeyay.