Skip to content

Uganda oo ciidamo cusub usoo dirtay Soomaaliya

Storyline:Archive, Science & Tech

Dowladda Uganda oo ay ciidamadeedu qeyb ka yihiin howlgalka nabadda lugu doonaye ee ka socda Soomaaliya ayaa xilligaan ciidamo cusub usoo dirtay Soomaaliya,waxaan ay bedalayaan  ciidan horraantii toddobaadkan ku laabtay Uganda, sida waxaa sheegay afhayeen u hadlay milateriga Uganda.

Ciidamadan cusub ee badalaya ciidamadi hore waxaa lugu sheegay inay dhanyihiin ,600 oo askari,waxaana la sheegay inay ka howgali doonan gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, sida uu sheegay afhayeenka milateriga Uganda, Paddy Ankunda.

Sidoo kale afhayeenku waxaa uu hadalkiisa ku soo qaaday  in ciidanka cusub ay ka qeyb-qaadan doonaan xoojinta nabadda iyo ammaanka deegaannada la doonayo in laga saaro kooxda dowladda ka soo horjeeda ee Al Shabaab.

Si kastaba dowladda Uganda ayaa iyadu ka mid ah dowladda Soomaaliya ay kaga sugan yihiin ciidamada uga badan,waxaana xilligaan Soomaaliya kaga sugan 8,000 oo askari,waana dalkii ugu hereeyey ee ciidamo usoo dira Soomaaliya sannadkii 2007.