Skip to content

Ururka Al Shabaab oo sheegay in dhibaato lugu hayo shacabka Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Sida lugu sheegay war ka soo baay Ururka dowladda Soomaaliya ka soo jorjeeda ee Al Shabaab,waxaa dhibaato lugu hayo shacabka Muqdisho ku nool,iyadoona uu sida sheegay madaxa Al Shabaab ee gobolka Banaadir ugu magacaaban.

Waxaa uu sheegay ninkaan u hadalay Shabaabka in ay la socdaan dhibaatada uu sheegay in dowladdu ay ku heyso dadka reer Muqdisho,waxaana uu inta ku daray eedeyn uu dowladda ku eedeyey inay dhibaato ay ku heyso sida uu yiri dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal),ayaa hadalkaan siiyey radiyaha afka Al Shabaab ku hadla,waxuuna tilmaamay inay u argudi doonan shacabka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday Cali Maxamed Xuseen, in dhibaatooyinka lagu haayo dadka reer Muqdisho, ay isugu jiraan jirdil, xarig, qafaal, jidgooyo uu sheegay in gaadiidka looga qaado lacago Sharci daro ah iyo burburin lagu haayo goobihii ay dadku ku ganacsanayeen, sida uu yiri.

U qaabilsanaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir waxuu warkiisa ku soo qaaday inaanay gacmaha ka laaban doonin dhibaatada uu sheegay, in ay Dowladda Soomaaliya la dul taagan yahay dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Cali Jabal, ayaa wuxuu ku hanjabay in ay awood u lee yihiin, oo ay weeraro hor leh kaga geysan karayaan Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay xilli kasta weeraro ku yihiin goobaha, uu sheegay in ay ku sugan yihiin, waxa uu ugu yeeray cadowga.

Hadalkaan waxaa uu qeyb ka noqonaya hanjabaadaha Al Shabaab ay soo dirayeen maalmihii danbe,balse dowladda Soomaaliya ayaa mar walba ku war galisa shacabka Muqdisho inaysan dhag jalaq usiin hadalada ka soo baxaya ururka xiriirla la leh Al Qaacida.