Skip to content

Waa Riyoonayaan Reer Baydhabo Iyo Kooxda Ruwaayada Dhigtay Maamulka 6-Da Gobol:M/Weynaha Jubbaland Oo Hadalo Jees-Jees Aha Kaga Jawaabay Ruwaayada Baydhabo Ka Socoto

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sayid Axmed-Madoobe ayaa riyo iyo dhalanteed ku tilmaamay koox qol-mugdi ah oo Baydhabo ku yaal kaga dhawaaqay inay dhiseen Maamul 6-Gobol ka kooban oo Madaxweyne iyo ku-xigeen doortay

Sayidka ayaa Ruyaawaayad ku tilmaamay Maamulka 6-da Gobol,wuxuuna sheegay inay kala tagayaan bilaha soo socda Kooxihii Ruwaayadan ku jilay Baydhabo ee sheegtay inay 6-Gobol u sameeyeen Maamul lagu magacaabo (Koonfur-Galbeed Soomaaliya)

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay hakiyeen inay wareejiyaan Garoonka iyo Dekedda-Kismayo inta la xalinayo qodobadii ay kula heshiyeen Dawladda Federaalka.