Skip to content

Waa yaabee Muwaadinimadu Waqti ay ku Dhacdo Ma Leedahay ? !!! (Expire Date)(Muqdishaa lagu arkay)

Storyline:Science & Tech

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladeeda Hoose ee Muqdisho waxay isla meel dhigeen lagama Maarmaanimada in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Meelaha ay ka Taliyaan loo sameeyo Waraaqaha Aqoonsiga (National Identity) si Waraaqahaasi gacan uga gaystaan Sugidda Amaanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo markii ugu horaysay gacanta u gashay Hal Maamul ka badan mudo 20 sano ah.

Waxay dad badani iswaydiinayaan waxay kaga duwan yihiin Waraaqhaasi kuwii ay bixin jirtay Dowladii Hoose ee Xamar iyo Wadiiqooyinka loo marayo oo si hadii loo fiiriyo Muhiim ah, maadaama ay hada Soomaaliya ka baxday wixii loogu yeeri jirey ku meel gaarka oo ay u gudubtay Dowlad rasmi ah.

Warar Madax banaan oo aan helay intii aan ku jirey helista Xogaha aan ku raadinayey Habka iyo Hanaanka loo mariyo qaadashada Waraaqaha Aqoonsiga ee la soo rogey ayaan ku ogaaday in Maamulka Gobolka Banaadir markii hore soo qadimay in qof walba oo doonaya Waraaqaha Aqoonsiga laga Qaado ka badan Labaatan Doolar $20, laakiin Arintaasi waxay u Cuntami wayday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud oo Aakhirkii ku soo dhameeyey in Muwaadin walba oo doonayo Warqad Aqoonsi (National ID) laga qaado Shan iyo Toban Doolar iyo bar (15.5). oo lagu shubayo Sirkadda Salaam Somali Bank, Lacagtaas waxay noqonaysaa mid Wadaag ah oo dhamaateed uma Xaroonayso Dowlada Hoose ee Muqdisho iyo Hay’adihii gaarka ahaa e la xiriirey sidii la arki jirey.

Saaamiga ugu badan ee lacagtaasi oo ah Sideed ilaa sagaal Doolar Waxaa Qaadanaya Shirkadda qaadatay Qandaraaska Samaynaysa Waraaqaha Aqoonsiga oo ka duwan kuwii Dowladii hore ee Soomaaliya, oo waxay uga duwan yihiin waa kaar Laf ah oo ay ku jiraan Daatooyin lagu ogaanayo Macluumaad badan oo hore lagaaga buuxiyey, lana baray Kambuyuutada la dhigi doono Goobaha Dalka laga soo galo iyo Goobaha Muhiimka ah ee lagala soconayo Dhaqdhaqaaqa Muwaadinka Soomaaliga. Saamiga labaad oo ah laba Doolar iyo bar $2.5 waxaa qaadanaya Wasaarada Arimaha Gudaha, Saamiga Sedexaad oo la eg kan loo qoondeyey Wasaarada Arimaha Gudana waxaa qaadanaya Dowlada Hoose ee Muqdisho oo ah Hay’adda sida rasmiga ah gacanta ugu haysa Shaqada Xoogeeda, Saamiga ugu yarna waxaa loo qoondeeyey Salam Somali Bank oo ah halka lacagtaasi lagu Ururinayo.

Inkastoo Saamiga loo roonaaday Shirkada samaynaysa Waraaqaha Aqoonsiga oo ay mudnayd in wax laga dhimo hadana waxa wax lagu farxo ah iney tahay Shirkad Soomaali leedahay oo aan la mid ahayn Shirkado Shisheeye . Hadaba waxa Dadkii rabey Waraqahaasi la amray Qaadashadooda Xamili waayey Xafiisyadii Dowladda Hoose ee Xamar maadaama aanay jirin meel kale oo lagu bixinayo, Iyadoo taas laga duulayo ayaa sidaan ku helay Warar Hoose, waxaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir kulan la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir waxa uuna Amar ku bixiyey in Xafiisyo laga furo Degmooyinka Magaalada Muqdisho si Dadka doonayo Waraaqaha Aqoonsiha loogu qaabilo oo Culuska looga qaado Dowladda Hoose ee Xamar oo ay hada Xafiisyadeeda Buux dhaafiyeen Dadwaynaha doonayo Kaararka Aqoonsiga.

Arintaas waxaa soo dhoweeyey oo la dhacay Maamulayaasha Degmooyinka Muqdisho waxayna Waydiisteen Duqa Magaalada Khidmooyinka ay dadka ka qaadayaan maadaama ay adeeg fulinayaan waxaana Gudoomiye Tarsan ka codsaday Gudoomiyaasha Degmooyinka in aanay qaadin wax Khidmad ah maadaama Jaangoynta Lacagtan lagu bixinayo Waraaqaha Aqoonsiga uu wax ka gooyey Madaxwayne Xasan Shiikh Max’uud, Wararka aan helay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka ka Caroodeen hadalka Gudoomiye Tarsan, waxayna ka dhawaajiyeen sida aanay ugu faraxsanayn Khidmadda iyaga loo diidey ee loo ogolaaday iney u Xarooto Wasaarada Arimaha Gudaha, waxaana Gunaanmadkii laysla meel dhigay in Gudoomiyaasha Gobolka Banaadir Saamiga la Wadaagaaan Dowlada Hoose ee Xamar oo iyadu saami ahaan u heshay Laba Doolar iyo Bar $2.5 kaliya.

Iyadoo la ogyahay Musuqa Soomaalida oo min Xafiis iyo Guri walba saameeyey Waxaa Su’aal Iswaydiin muadan ah, Hadii sidaas loo Maamulo Bixinata Waraaqaha Aqoonsiga ee la Amray Qaadashadooda ma kula tahay Akhrirtoow in ay wax kala soconayaan oo sidii la rabey loo helayo Waraaqaha Aqoonsiga ee la soo rogey Qaadashadooda? Jawaabta Su’aashaasi waxaan u daayey Akhristayaasha Sharafta leh ee duruuftu u saamaxday Akhrinta Maqaalkan. Arinta iga yaabisay Dad badanna ka yaabin doontaahi waxaa weeye in Warqadda Aqoonsiga ee la bixinayaahi ay leedahay Waqti ay dhacdo, (Expire Date) taasoo dad badani u macnaysan karaan in Muwaadinnimadaadu Waqti ay ku dhacdo leedahay.