Skip to content

Wada-hadallada dowladda faderaalka iyo Soomaaliland oo maalintii saddexad galay

Dalka Turkiga gaar ahaana magaalada Istanbul,waxaa ka socda shir an wali natiijo laga gaarin oo u dhaxeeya dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaana uu maanta shirku galay maalintiisi saddexad.

Labada dhinac ayaanan weli guda gelin qodobbada ugu muhiimsan kullanka, iyadoo dhinac kasta uu ku adkeysanayo mowqifkiisa.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya,ayaa warbaahinta u sheegay maanta,inay soo dhaweenayan wax kasta oo dani ugu jirto shacabka Soomaaliyed,waxaana u tilmaamay inay muhiim tahay midnimada Soomaaliyed iyo sidii ay isagu soo dhawaan lahaayeen.

“Midnimada Soomaaliya iyo inay shacabku isku soo dhawaadan waa muhiimadena koobad,waxaana jacelnahay wax muuqda inay ka soo baxaan shiirarkeena”ayuu yiri wasiir Guuleed”.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isna hoggaaminayo wafdiga Somaliland,ayaa dhnakiisa sheegay in gooni isu taaga Soomaaliland ay tahay mid laba taabtaan ah ayna og yihiin shacabka reer Soomaaliland inaan taasi lagawada hadli karin.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in xilli walba ay caddeynayaan mowqifkooda ayna xilligan ka warhayaan waftiga dowladda arrinta Soomaaliland oo ah gooni isku taag,waxaa uu sidoo kale wasiirku farrin ugu diray dadka Soomaaliland inay aaminaan qaran nimadooda iyo gooni isku taagooda, maadaama uu sheegay in Soomaaliland 23-sanno ay baadigoob ugu jirto aqoonsiga dowlad madaxbanaan.

Hadalka labada dhinac ay warbaahinta siinayan waxaa uu muujinaysa inay wali kala fogyihiin labada dhinac,maadaama ay kala joogan labo mowqif oo kala fog.

Si kasataba wada-xaajodka labada dhinac,waxaa maanta laga saadaalinaya in laga soo saaro natiijo ku aadan waxyaabihii la isku afgartay.