Skip to content

Wada-hadallada dowladda faderaalka iyo Soomaaliland usocday oo maanta la soo gaba-gabeynayo

Storyline:Archive, Science & Tech

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,waxaa maanta lugu soo xiraya isaragii saddexaad oo ay kullmaan waftiyo ka kala socda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.

Wada-hadallada labada dhinac waxaa ay socdeen saddexdii maalin ee ugu danbeysay,waxaana qorshuhu yahay in 1:00-duhurnimo ee maanta in lasoo afjarayo, iyadoo laga soo saarayo warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha la isku afgartay.

Dhinacyada wada-hadallaysa waxaa kala hoggaaminaya,wasiirka amniga qaranka ee Soomaaliya C/xakiim Xuseen Guuleed iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Illaa xalay waxaa si talan taali ah u socday shirar wajiyo kala gadisan leh oo ay isku arkayeen madaxda Soomaaliland shirkaas uga qeyb-galaya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalo ay warbaahinta siiyen mas’uuliyinta labada dhinac kala hoggaaminaysa,waxaa ay ku sheegen labo qorsho oo kala dheer,maadaama dowladda faderaalka Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’antahay midnimada Soomaaliya iyo isku keenidooda,halka sidoo kale maamulka Soomaaliland ay sheegeen inay doonayan inay ka go’aan Soomaalida kale.

Si kataba natiijada kaso baxda shirkan ayaa lagu caddeyn doonaa war-murtiyeedka labada dhinac sida wadajirka ah uga soo bixi doona.