Skip to content

Wadooyinka Muqdisho oo Magacyo loo bixinayo & Guryaha Caasimada oo iyana lambaro loo yeelayo:

Storyline:Archive, Science & Tech

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in Magacyo loo sameenayo Wadooynka ku yaala Caasimada Muqdisho isla markaana lambaro loo yeelayo guryaha ku yaala Magaalada.

Munaasabad lagu furayay Mashruucan loogu tala galay in Guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho lagu lambareeyo magacyana loogu baxsho Wadooyinka Muqdisho ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir waxaana ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan iyo Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Ciise Maxamud Xalane oo Madax ka ah Mashruuca oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyaay waxyaabaha ku dhaliyay in ay soo hindisaan mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hirgelintiisa maamulka gobolka benaadir iyo ganacsato Soomaaliyeed , waxa uuna sheegay in uu yahay mid muhiim ah Mashruucan dadweynahana looga baahan in ay gacan ka geestaan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Mashruucan cusub ayaa sheegay in uu qeyb ka yahay Dadaalada ay ku hormarinayaan Caasimada Muqdisho isla markaana uu qeyb ka yahay Hormarinta Adeegyada Bulshada Gobolka Banaadir.

“Tani waxaan uga gol’leenahay sida aan ula qabsan lahayn horumarka ay dunida ku tallaabsaneyso, jidadkuna magacyo micno sameynaya ayaan u bixineynaa, waxayna hormuud u noqoneysaa xoojinta amniga” ayuu yiri Gudoomiye Tarsan .

Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Muqdisho looga dhawaaqo tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowlada Dhaxe waxaana laga war dhoorayaa Magacyada iyo astaamaha loo sameyn doono Wadooyinka Caasimada Muqdisho.