Skip to content

War Deg Deg Ah Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Huwanta iyo kuwa Al-Shabaab oo hada socda

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiligan dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo gacan ka helaya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-Shabaab uu xiligan kasoconayo Deegaano katirsan Gobolka Gedo.

Dagaalka oo ah mid aad u xoogan ayaa kasoconaya Deegaano ku dhaw Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo , dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka nuucadiisa kala duwan , waxaa sidoo kale la maqlayaa Duqeyn culus ay geesanayaan Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Huwanta ayaa lasoo sheegayaa in ay kusii durgayaan dhinaca iyo Degmada Buurdhuubo inkastoo ay dagaalo culus kala kulmayaan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo gacanta ku haya Degmada Buurdhuubo.

Wali lama oga qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kala gaaray labada ciidan oo maalintii labaad dagaal galay uu ku dhax marayo Deegaano ku dhaw dhaw Degmada Buur Dhuubo ee Gobolka Gedo.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha hogaamineysa Dagaalka kasocda Gobolka Gedo ee u dhaxeeya Ciidamada Huwanta iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab.